Toddobaadkii tagay

Barnaamijka toddobaadkii tagay waxaanu ku soo qaadnaa qodobada ugu muhiimsan ee ku jiray wararka Somaliland maalmihii u dambeeyey si ay akhriteyaashu u milicsadaan dhacdooyinka raadadkoodu sii qoyan yahay. Hoos ka akhri dhacdooyinkii toddobaadkii tagay.

Dhacdooyinka oo kooban:

Somaliland iyo Khaatumo ayaa gaadhay heshiis kama-dambays ah 

Murashaxiinta madaxweynaha iyo ku-xigeennadooda ayaa dood qaran loo qabtay 

Somaliland waxay cambaaraysay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho ee lagu le’day

Madaxweyne Siilaanyo wuxu xadhiga ka jaray mashaariic laga hirgeliyey Wajaale iyo Gabiley

Qalab cusub oo casri ah ayaa u yimid DP World

Xildhibaano Golaha Deegaanka ee Gabiley ah ayaa iska casilay  Kulmiye

Dhacdooyinka oo faahfahsan:

Somaliland iyo Khaatumo ayaa gaadhay heshiis kama-dambays ah: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo madaxweynaha Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh ayaa heshiis rasmi ah ku kala saxeexday xaflad weyn oo ka dhacday Caynaba. Qodobada ugu muhiimsan ee lagu heshiiyey  waxa ka mid ah in dastuurka la furo si saami-qaybsiga iyo arrimo door ah oo la xidhiidha awood qaybsiga iyo fidinta dhaqaalaha loo hir geliyo, in ciidamada Khaatumo la qarameeyo, in xuduudaha la sugo iyo in Sool iyo Sanaag loo raadiyo mashaariic horumarineed. Heshiiskan ayaa ah kii kama-dambaysta ahaa kadib markii ilaa afar jeer oo hore ay labada dhinac shirar ku galeen Jabuuti iyo Somaliland.

Murashaxiinta madaxweynaha iyo ku-xigeennadooda ayaa dood qaran loo qabtay: Kooxda Inspire Group oo kaashanaysa murashaxiinta qaranka iyo warbaahinta Somaliland ayaa qabatay dood heer sare ah oo ay ku doodeen saddexda murashax ee madaxweynenimo iyo saddexdooda ku xigeen. Dooddii koowaad waxay  dhacday 20kii bisha waxaana ku dooday murashaxiinta madaxweynaha Muuse Biixi (Kulmiye), Cabdiraxmaan-Cirro (Waddan) iyo Faysal Cali Waraabe. Dooddii labaad waxay dhacday 20kii October 2017 waxaana ku dooday murashaxiinta madaxweyne-xigeennada Cabdiraxmaan-Saylici (Kulmiye), Maxamed Cali (Waddani) iyo Axmed Cabdi Abyan (UCID). Doodahan ayaa ah kuwii koowaad ee nooceeda ah ee ka qabsoonta waddamada bariga Afrika. Murashaxiinta ayaa ka dooday arrimo door ah oo ay ka mid yihiim amniga, dhaqaalaha, aqoonsi-raadiska iyo siyaasadda arrimaha dibedda ee Somaliland. Baraha bulshada ayaa si weyn loogu falanqeeyey dooddan iyadoo ay jawaabihii murashaxiintu bixiyeen taageereyaashu la kala safteen.

Somaliland waxay cambaaraysay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho ee lagu le’day: Xukuumadda Somaliland iyo xisbiyada siyaasadda ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaanay tacsi u direen shacabka ay waxyeelladu soo gaadhay iyo dawladda Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, Guddoomiyaha Xisbul-Xaakimka Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo VOA la hadlay ayaa qaraxyadaasi ku tilmaamay kuwo murugo leh.

Madaxweyne Siilaanyo wuxu xadhiga ka jaray mashaariic laga hirgeliyey Wajaale iyo Gabiley: Wefti balaadhan  oo uu hogaaminaayey madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa toddobaadkan u safray degmooyinka Gabiley iyo Wajaale, waxaanu madaxweynuhu xadhiga ka jaray mashaariic door ah laga hirgeliyey gabiley gudeheeda iyo degmada Wajaale, gaar ahaan dhismayaal dawladda hoose ee gabiley dhistay looguna talogalay ganacsi, waddo laba haad ah  oo leh  solar system  dhexda laga raaciyey, waddo kale oo iyaduna isku xidhaysa garoonkii hore kubada cagta iyo biriijka cusub ee garoonka casriga ah ee loogu magacdaray orodyahanka caanka ah ee Maxamed Faarax. Sidoo kale, waxa uu xadhiga ka jaray mashaariic waxqabad oo ay xukuumaddu ka hirgelisay Togwajaale waxana ka mid ahaa dhisme laba dabaq ah oo loo bineeyey kastamka degmada wajaale, guriga martida, guriga shaqaalaha wasaradda maaliyada, ceelka biyaha togwajaale.

Qalab cusub oo casri ah ayaa u yimid DP World: Shariikadda caalamiga ah ee maamusha dekedda Berbera DP World ayaa la timid qalab casri ay oo ay ku sheegtay  in ay dardar gelin doonaan hawlaha dekedda. Madaxweyne Siilaanyo  iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa ka qayb galay xaflad lagu soo bandhigayey qalabkan. DP World ayaa la wareegtay gacan-ku-haynta maamulka dekedda Berbera bishii March. Beryihii ugu dambeeyey waxa jiray cabashooyin iyo eedo ka dhan ah DP World kuwaas oo tibaaxayey in hawlihii iyo adeeggii dekedda hoos-u-dhac ku yimid tan iyo  markii DP World ay la wareegtay maamulka dekedda. Qalabkan ayaa la filayaa in uu culayska dhinaca shaqada ee jira wax ka qabto.

Xildhibaano Golaha Deegaanka ee Gabiley ah ayaa iska casilay  Kulmiye. Afar xildhibaan oo kala ah xildhibaan Mahdi, Xildhibaan Cali-Duulduul, Xidhibaan Maxamed Aamin iyo Xildhibaan Mustafe Sayid ayaa ku dhawaaqay in ay si rasmi ah isaga casileen xisbul-xaakimka una dal doorsadeen xisbiga mucaaradka ugu weyn ee Waddani. Xildhibaannadan ayaa marka laga reebo Maxamed Aamin ay intooda kale asal ahaan ka soo baxeen ururradii dhacay markii la qabtay doorashooyinkii Golaha Deegaanka 2012kii, kadibna waxay la midoobay xisbul-xaakimka. Is-casilaaddoodu waxay ku soo beegantay wakhti ay doorashadii innaga xigto toddobaadyo.

Wixii talo iyo tusaale ah ku soo hagaaji Bandhige@gmail.com

http://bandhige.com/toddobaadkii-tagay/