Tartanka isreeb-reebka musharixiinta gobolka New Hampshire ee xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga Maraykanka ayaa waxa guul hor ka gaadhay laba musharaxa ee kala ah Donald Trump iyo Bernie Sanders.
Ganacsadaha Muslim nacaybka muujiyey ee Donald Trump ayaa ku soo baxay xisbiga Jamhuuriga ayaa helay laba jibbaar codadka uu helkay badhasaabka gobolka Ohio John Kasich oo la tartamayay, halka Hillary Clinton oo u tartameysay xisbiga Dimuquraadiga ay durbaba u hambalyeysay ninka uu loolanka kala dhexeeyay ee Bernie Sanders oo iyada ka guuleystay.
Sanders ayaa sheegay in natiijadani ay direyso farriin ah in qof kastaa oo Maraykan ah uu leeyahay dawladda.
Donald Trump natiijadaasi kaddib u sheegay taageerayaashiisa in uu doonayo in Maraykanka uu durbaba billaabo in uu hanto caalamka.
Ninka ku guuleystay tartanka xisbiga dimuquraadiga Bernie Sanders ayaa dhankiisa sheegay in isaga iyo taageerayaashiisuba ay dirayaan farriin ah in dawladda ay wada leeyihiin dhammaan dadka Maraykanka ah balse aysan ahayn mid ay leeyihiin shakhsiyaad maalqabeen ah oo lacago ugu yaboohay ololaha doorashada.
Hillary Clinton oo uu loolan kala dhaxeeyay Sanders ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto loolanka ay ugu jirto dhammaan codadka gobollada kale ee hadhsan.