Donad Trump oo weli ku gudo jira magacaabista xubnaha madaxda u ka noqonaya maamulkiisa ayaa Xoghaya Difaaca ee Maraykanka u magacaabay jeneraalka lagu naanayso “Ayga Waalan” ama Mad Dog oo magaciisa la yidhaa James Mattis.
“Waxaan Xoghaya Gaashaandhigga ee Maraykanka u magacaabayaa Generaal Eyga Waalan ama James Mattis” ayuu yidhi Madaxweynaha la doortay Donald Trump isagoo xalay ka khudbadaynayey fagaare uu ugu magac daray “u-mahadcelinta dadweynaha Maraykanka.”
Ayga Waalan waa jeneraal caan ah oo ka soo qayb-qaatay dagaallada Afgaanistaan iyo Ciraaq ka wado Maraykanku, Donald Trump oo ammaanayeyna wuxu ku sifeeyey in uu la mid yahay Jeneraal George Patton-kii dagaalkii labaad ee dunida hoggaaminayey ciidamada Maraykanka.
General Mad Dog wuxu caan ku yahay kalgacalka uu u qabo dagaalada, wuxuna dawladaha dunida ugu neceb yahay Iiraan oo uu ku tilaamo khatarta kaliya ee ku sii hadhsan Bariga Dhexe.
In kastoo wakhtigii Obama uu laba sanno ka soo qabtay xilka ah Taliyaha Guud ee ciidanka, haddana kama uu badsan laba sanno. Intii ka dambaysayna wuxu Barack Obama aad ugu dhaliili jiray heshiiska uu la galay Iiraan isaga oo Ayga Waalan aaminsan in Iiraan aanay dagaal mooyee xal kale lahayn.
General Mad Dog naanaysihiisu way badan yihiin. Waxa kale oo lagu naanaysaa “Daanyeerka Dagaalyahanka ah”, sidoo kale waxa lagu naanaysaa “Jeneraalka Masiibada.” Weligii xaas iyo qoys muu yeelan, noloshiisa oo dhana wuxu u hibeeyey dagaaladda. Sida ay qortay BBC, maktabadda gurigiisa waxa yaalla ilaa 900 oo buug oo dhammaantood ku saabsan sida loo dagaalamo ama istiraatijiyadaha dagaalka.
Magacaabista Ayga Waalan waxay astaan u tahay in aanu Bariga Dhexe u ekaan doonin sidii u ekaa intii uu Barack Obama madaxweynaha ka ahaa Maraykanka isla markaana ay adkaanayso in uu sii jiro heshiiskii dhex maray Iiraan iyo Maraykanku.
Bandhige@gmail.com