Trump Oo Masar Ku Dhiirigeliyey In Ay Weerar Ku Burburiso Biyo-xidheenka Niilka Ee Itoobiya Iyo Addis Ababa Oo Jawaab Cadho Leh Ka Bixisay

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa si cadho leh ug adareen celiyey dhismaha iyo dhammaystirka ay Itoobiya ku waddo biyo xidheenka ay ka samaynayso webiga Niilka ee muranka ka dhex abuuray dalka Masar.

Hadal uu Trump jeediyey jimcihii 23-ka Oktoobar ayaa laga qaatay dareen ah in uu dalka Masar u soo jeedinayo in uu weerar cirka ah ku burburiyo biyo-xidhaankan. Isaga oo sheegay in xaaladdu meel xun marayso, dalka Masarna aanu doonayn in uu sidaas ku sii jiro.

Madaxweyne Trump oo xafiiskiisa ay warbaahintu joogto khadka taleefanka oo cod-baahiyuhu u shidan yahay kala hadlaya raysal-wasaareyaasha Suudaan iyo Israa’iil oo uu xidhiidh diblumaasiyadeed ka dhex abuuray, waxa uu intaas ku daray hadallo uu ku sheegayo in Masar aanay xaalka sidan ku eegan doonin oo ay ku qasban tahay in ay wax uun samayso, “Waxa ay gaadhi doontaa in ay qarxiyaan Dhaamka. Horena waaan u idhi, imikana cod dheer ayaan si cad ugu sheegayaa ee – Dhaamkaas waa ay qarxin doonaan. Waayo waa ay ku qasban yihiin in ay wax uun sameeyaan” ayaa uu yidhi Trump.

Trump waa uu sii waday hadalkiisa loo fahmay in uu Masar u dirayo dagaal ay ku qaaddo biyo-xidheenka ‘Hidaase’ ee dalka Itoobiya waxaaanu sheegay in ay ahaydba in mar hore ay Masar tallaabo qaaddo, “Waxa ay ahayd in ay mar hore joojiyaan” Waxaase uu qoomameeyey in sababta Itoobiya u suurtagelisay in ay dhaamka dhismihiisa halkan gaadhsiisaa ay tahay iyadaoo ka faa’iidaysatay xiisadihii kacdoonka gu’ga Carabta ee Masar ka dhacay 2011 kii.

Dhinaca kalana dawladda Itoobiya ayaa dareen cadholeh ka muujisay hadallada madaxweyne Trump. Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Gedu Andargachew ayaa sabtidii 24-ka Oktoobar u yeedhay danjiraha Maraykanka u fadhiya Addis Ababa, waxaaanu ka dalbaday in uu caddaymo ka bixiyo hadalka uu madxweynihiisu ka sheegay dhaamka.

Wasiirku waxa uu danjiraha Maraykanka u sheegay in Itoobiya aanay isu dhiibayn imika iyo mustaqbalkaba hanjabaadaha ka dhanka ah qarannimadeeda, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa hadalka madaxweyne Trump ku tilmaamay mid qaldan oo majaro habaabin ah, maadaama oo aanu Dhaamku joojinayn qulqulka biyaha Niilka ee gaadha dalka Masar. Sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirku waxa uu sheegay in hadalladaas dagaalka dhiirrigelinaya ee Trump aanay ka turjumayn jaalnimadii muddada dheer soo jirtay iyo isbahaysigii istaraatijiyadeed ee u dhexeeyey Itoobiya iyo Maraykanka, sida oo kalana meel ka dhac ku tahay xeerarka caalamiga ah.

Madaxweyne Trump oo xulafo dhow la’ah Madaxweynaha dalka Masar Cabdifataax Asiisi, ayaa hore isaga oo ka jawaabaya codsi uga yimi dalka Masar waxa uu isku dayey in uu dhexdhexaadin ka galo khilaafka la xidhiidha biyo-xidheenka ee Masar iyo Itoobiya, laakiin wada-hadalladaas oo muddo socday ayaan wax midho ah dhalin. Itoobiyana waxa ay diiday soo jeedimihii ahaa in inta heshiis la gaadhayo ay hakiso buuxinta biyo-xidheenka, taasoo ay goor hore oo ay badhtamihii sannadkan bilowday. Waxaa aanay sheegtay in uu Dhaamkaas oo dhismihiisa ay ku kacday 4 Bilyan oo doolar uu wax soo saarkiisa koronta la bilaabo doono horraanta sannadka 2021-ka.

Sida uu ku warramayo telefishanka dalka Faransiiska ee France24, Maraykanka oo arrintaas ka cadhaysan ayaa kaga jawaabay in uu joojiyo gargaarkii uu siin jiray dalka Itoobiya. “Heshiis ayaan u sameeyey, laakiin nasiib-darro Itoobiya ayaa heshiiskaas jebisay, taasoo ay ahayd in aanay samayn. Qalad weyn ayaa ay ahayd” ayaa uu yidhi Trump. Waxaaanu ku hanjabay in aanay dib u heli doonin lacagtaas gargaarka ah ee uu jaray illaa ay Itoobiya u hoggaansanto heshiiskaas.

Dalka Masar ayaa biyaha uu u isticmaalo beeraha iyo cabbitaanka waxa uu boqolkiiba 97 ka helaa Webiga Niilka, waxaaanu cabsi ka qabaa in biyo-xidheenka Itoobiya uu yareeyo biyaha uu ka helo webigan.

Xigasho: Geeska Afrika