Trump wuxu soo dhaweeyay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo hadda saaxiib dhow yihiin

 

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa soo dhaweeyay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

Kulankoodii u horeeyayna wuxuu ku qaabilay goob loo tamash-leeyo oo ku taalla Florida halkaas oo ay ku shireen.

Trump ayaa sheegay in labada nin ay saaxiibbo noqdeen, iyaga oo kuwada casheeyay goobta loo tamash-leeyo ee loo yaqaanno Mar-a-Lago oo uu shaqsiyan u leeyahay madaxweyne Donald Trump.

Hoggaamiyaha Maraykanka ayaa la filayaa in uu dabada ka riixo dhigiisa Shiinaha si ficil looga qaado Kuuriyada Waqooyi.

Xi ayaa isna raadinaya in uu kala hadlo Trump arrimaha Taiwan.

Trump ayaa sheegay in kulankoodu uu noqon doono mid adag, sannadkii horana wuxuu ku eedeeyay Shiinaha in uu kufsanayo Maraykanka.

Markii uu ku jiray ol’olihii doorashada ayuu sheegay in ganacsiga aan miisaamnayn iyo shaqooyinka la waayayo aan loo dulqaadan doonin. Laakiin goobtii lagu cashaynahayay Khamiistii muusood oo farxad ayaa ka muuqatay labada hoggaamiye iyo labadooda xaasba.

bandhige@gmail.com