Trump wuxu Theresa May kula taliyey in ay maxkamad ka dacwayso Midowga Yurub, laakiin wuxu saxaafadda u sheegay wax taas ka duwan

Theresa May ayaa maanta u warantay BBC kadib booqasho rasmi ah oo ay ku qaabishay Madaxweyne Trump oo Ingiriiska yimid.

May waxay sheegtay in Madaxweyne Trump uu kula taliyey in ay maxkamad dacwayso Midowga Yurub laakiin aanay wakhti isaga lumin wada-xaajood aan midho dhal lahayn. May waxay sheegtay in ay taladaas la yaabtay.

Yaabka ka sii darani wuxu ahaa markii ay dibedda u soo baxeen si ay saxaafadda ula hadlaan. Wuxu yidhi “May waxan kula taliyey in ay wada-xaajoodka kula jirto Midowga Yurub, wax walbana ay wada-xaajood ku dhammeeystaan, haddiise ay wada-xaajoodka ka baxdo arrinka Ingiriisku hirig ayuu noqonayaa.

Trump ayaa marar badan lagu eedeeyaa in hadalladiisa ay is buriyaan go’aannadiisuna aanay ahayn kuwo meel taagan.

Bandhige@gmail.com