Turkiga: 10 qof ayaa ku dhintay qarax ka dhacay Istanbuul

War qoraal ah oo uu soo saaray Maayarka Istanbuul ayaa lagu sheegay in ugu yaraan toban qof ayaa ku dhintay, shan iyo toban kale way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay goob ku taala badhtamaha Istanbuul oo lagu magacaabo Sulltanahmet oo ay dalxiisayaashu aad u tagaan.

Qarax ayaa waxa uu dhacay barqadii saaka, saacaddu markay ahayd 10:20.

Qaraxan ayaa waxa ka hadlay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa isaguna dhiniciisa xaqiijiyey in ay ku jiraan dadka dhintay dalxiisayaal ajaanib ah. Isagoo qaraxa ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxaan aad u dhaleecaynayaa weerarkan argagaxisada ah ee uu fuliyey qof Suuriyaan ahi”

Balse wali ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkan, inkastoo lagu tuhunsan yahay kooxda Daacish oo uu Turkigu duqeymo ugu geysto guddaha Suuriya.

bandhige@gmail.com