Turkiga oo fuliyey dalabkii Madaxweyne Obama ee dejinta xiisadda colaadda Ciraaq

Madaxweyne Obama waxa uu ugu baaqay Madaxweyne Turkiga Recep Tayyip Erdogan in uu dajiyo xiisada ka dhaxaysa Turkiga iyo Ciraaq maalmo yar ka hor, baaqaas ka dib waxa uu Recep waxa uu ku dhaqaaqay in uu kala baxo ciidamadiisa qayb ka mid ah oo ku sugan Ciraaq.

Bilowgii bishan ayuu Turkiga u diray waqooyiga Ciraaq ciimado gaadhaya ilaa 150 askari kuwaasi oo uu sheegay in ay ilaalinayaan tababarayaal milateri oo halkaa ka jooga.

Turkiga ayaa tan iyo 2014-kii ciidamo geeyay xerada Bashiiqa ee u dhaw magaalada Muusil – oo ay maamusho Kooxda Dowladda Islaamiga ah – si ay u tababaraan xooggaga Kudiyiinta Ciraaq.

Balse dowladda Ciraaq ayaa sheegtay in tallaabadii ugu dambeysay ee Turkiga la qaaday iyadoo aanan lala tashan, waxa ayna sheegtay in arrintaasi ay xadgudub ku tahay madaxbanaanidooda iyo shuruucda caalamiga ah.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa lagu sheegay in Turkigu uu garowsanayo in uu jiray Isfahan darro kala dhaxaysay dawladda Ciraaq taa oo ku aadan ciidammada Turkiga ee halkaasi la geeyay.

Dowladda Turkiga ayaa xidhiidh wanaagsan la leh maamul goboleedka Kurdiyiinta dalka Ciraaq.

Hasayeeshee waxa ay cadaw u aragtaa Kurdiyiinta Suuriya oo xulufo la ah isbahaysiga Mareykanka uu horkacayo ee ka dhanka ah Kooxda Dawladda Islaamiga ah, sababtoo ah waxa ay u aragtaa in ay yihiin farac ka tirsan ururka Kurdiyiinta ee PKK ee mamnuuca ka ah gudaha dalka Turkiga.

bandhige@gmail.com