Turkiga oo maamula madaarka Muqdisho waxay doonayaa in ay la wareegaan maamulka madaarka Hargeysa

 

Wefti ka socday shirkadda Duulimaadyadda Turkiga ayaa dib usoo cusboonaysiisyey damacooda ah in ay la wareegaan maamulka Madaarka Hargeysa, kaasoo hore ay isugu af garan waayeen xukuumadda Somaliland.

Weftiga Turkiga ah ayaa shalay la kulmay wasiirka wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland, waxaanay wararka laga helayaa sheegayaan in ay is af-garad ka gaadheen, hase yeeshee madaxtooyadda Somaliland loo gudbin doono, taasoo xilligan u dhaw inay ansixiso.

Doonista madaarka hargeysa ee Turkiga ee wakhtigan ayaa u muuqda mid kusoo beegmaya khilaafka ka dhex aloosan dalalka Carabta oo u kala jabay laba garab oo waaweyn, kuwaas oo dhinac walbaaba u xusul duuban yahay in uu xulafo u helo mawqifkiisa.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore madaarka Berbera uga kiraysay dawladda Imaaaraatka oo ah imika xulafada ka soo horjeeda Turkiga iyo Qadar, waxaana muuqda in ay Somaliland labada dhinacba macaamil la yeelan doonto labada xulafaba haddii Heshiiska Turkigu socdo.

Turkiga ayaa Qunsuliyad ku leh Somaliland, hase yeeshee taageerada uu u fidiyo Somaliland waa mid kooban, inkasta oo aan la kala saarin illaa hada dhinaca damacu u ku jiro ee aan suurtogalin iskaashi intan ka badan in ay labada dal yeeshaan.

Xigasho: Waaheen Media.

bandhige@gmail.com