Tuulada Israa’iil Ku Taalla Ee Wali Ka Cabsi Qabta Weerarrada Xamaas.

Saxaraha Koonfurta Israil Waxa Ku Taalla Tuulo Mar Ahayd Mid Cammiran Oo Dhaqanno Kala Duwan Ay Qurxiyeen,

Tuulada Beersheba Oo Ay Ku Nool Yihiin In Ka Badan Laba Boqol Oo Kun Oo Qof Ayaa Tuulo Taariikhi Ah Iyada Oo Ka Tirsanaan Jirtay Dawladdi Cusmaaniyiinta, Waxaana Ay Caan Ku Tahay Dhismayaal Shub Ah Oo Lagu Dhisay Farsamooyinkii Wakhtigaasi.

Dadka Tuulada Deggan Oo Dhaqanno Kala Duwan Leh Awgeed, Magaalada Waxaad Ka Maqlaysaa Afafka, Cibriga, Carabiga, Tigreega, Ruushka, Spanish Iyo Afaf Kale Kuwaasoo Dhammaantood Aad Waddooyinka Magaalada Ka Maqli Karto. 7 Dii Bishan Markii Ururka Xamaas Ay Weerarka Lama Filaanka Ah Ku Qaadeen Isrial, Waxa Is Bedeshay Guud Ahaan Noloshii Tuuladan Yar.

Qaar Ka Mid Ah Ganacsiyada Yaryar Iyo Tukaammada Ayaa Dib U Bilaabaya Inay Furmaan Balse Dadku Waxa Ay Muujinayaan Taxadiir Aad Ah. Dadka Tuuladu Aad Ayaa Ay U Kala Shakisan Yihiin Iyaga Qaarkood Doorbidaya In Aanay Magacooda Labaad Iyo Ka Saddexaad Toona Bixin.

Nin Magiciisa La Yidhaahdo Simon Oo Makhaayad Ku Haysta Tuuladan Yar Ayaa Sheegay Weerarradii Xamaas Ay Gilgileen Magaalada Isla Markaana Ay Si Weyn U Dareemeen Khatarta Ururka Xamaas. Inkasta Oo Ay Aaminsan Yihiin Awoodda Millatariga Israa’iil, Haddana Waxa Uu Wali Ka Warwarsan Yahay Xilliga Uu Dagaalku Dhammaan Doono, Maadaama Oo Wali Gacanta Xamaas Ay Ku Jiraan 200 Oo La Haystasyaal Yuhuud Ah.

 

Waxa Uu Sheegay In Dugsiyadii Xidhan Yihiin Isla Markaana Saddexdiisii Carruur Ahaa Ay Guriga Joogaan. Waxa Uu Itnaa Sii Raaciyay In Dadka Tuuladu Ay Wali Wadanaha Farta Ku Hayaan Iyaga Oo Ka Cabsi Qaba Gantaalaha Xamaas.

 

Somaliland News Agency

 

Cabdiraxmaan Hayaan