Tuuniisiya waxay ku dhawaaqday xaalad degdeg ah

Laga bilaabo maanta (Sabti) Tuunisiya waxay ku jiri doontaa xaalad degdeg ah. Sidaa waxa ku dhawaaqay Madaxweyne Beji Caid Essebsi.

Go’aankan Tuuniisiya waxay qaadatay kadib markii nin taageere u ahaa kooxda ISIS uu u dhammeeyey 38 dalxiise oo ku raaxaysanaya xeebaha Tuuniisiya isaga oo adeegsanaya qori boobe ah. Dadka dhintay waxa ay u badnaayeen reer Yurub, gaar ahaan 30 ka mid ah ayaa ahaa Ingiriis.

Sharcigan xaaladda degdegga ah ayaa dawladda u ogolaanaya fulin dheeraad ah oo ay sameeyaan ciidamada kale duwan ee waddanku isla markaana xaddidaya qaar ka mid ah xuquuqaha aadamaha sida shirarka la isugu yimaad.

Sannadihii dambe Tuuniisiya waxa soo wajahay rabshado tiro badan oo ay ku dhinteen tiro boolis iyo rayid ah tan iyo intii uu bilaabmay Kacdoonkii xilka lagaga tuuray Madaxweyne Zaynal-Caabidiin Bin Cali.

Weerarkii 26 Juun lagu weeraray magaalada Sousse wuxu ahaa weerarkii labaad ee ka dhaca Tuuniisiya saddex bilood gudahood, iyadoo hore weerar loogu qaaday madxafka qaranka ee magaalada Tuunis, kaas oo ay ku dhinteen 22 qof oo dalxiiseyaal u badnaa.

Weeraradan lagu hoobtay waxa sheegtay kooxda ISIS. Dawladda Tuuniisiya ayaa Khamiistii ku dhawaaqday inay weerarkaa u xidhay 8 qof oo ay ku jirto gabadh, kuwaas oo wararku sheegayaa in dhammaantood ay xidhiidh toos la ah la lahaayeen ninkii todobaadkii hore weerarka gaystay.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka

Bandhige@gmail.com