“UCID nalaguma dul iibsan karo” Jamaal Cali Xuseen

Jamaal Cali Xuseen oo ka qayb-qaatay kulan labadii todobaadba mar uu telefishanka Horn Cable TV u qabto madaxda Somaliland, mucaarid iyo muxaafidba, ayaa xalay la baahiyey.

Barnaamijku wuxu isugu jiray khudbad uu Jamaal Cali Xuseen jeediyey iyo su’aalo ay ka-qayb-galayaashu markii dambe la boobeen.

Jamaal su’aalaha la waydiiyey waxa ka mid ahaa sida uu u arko xanta sheegaysa in is-bahaysigii murashaxiinta iyo kooxdii dhawaanta iska casishay xukuumaddu ay rabaan in ay UCID ku soo biiraan isla markaana iibsadaan jagada murashaxnimada madaxweynaha.

Jamaal wuxu yidhi “Taasi suurto-gal ma aha. Nagama lacag badna nimankaasi. Sidee ayay niman aanu ka lacag badan nahay xisbiga noogu dul iibsan karaan.”

Jamaal wuxu sheegay in xisbiga UCID uu saddex sanno ka hor qabsaday shirkii lagu soo saarayey murashaxnimada, isla markaana isaga iyo Cabdirashiid Xasan Mataan loo doortay murashaxiinta xisbiga UCID ee doorasahda 2017-ka.

Jamaal khudbaddii uu jeediyey wuxu diirradda ku saaray dhaqaalaha, isaga oo sheegay in bangiyada ganacsiga oo la dhaqaajiyaa ay dhaqaalaha dalka wax ku soo kordhaan.

“Dhaqdhaqaaqa bangiyadu dhaqaalaha waxa ay ka yihiin 30%, lacagta iska fadhida ee furaashyada iyo barkimooyinka lagu hoos haysto ayaanu ka shaqaysiin lahayn oo dhaqaalaha dalka kor u qaadi lahayd” ayuu yidhi Jamaal.

Jamaal dhinaca ictiraafka waxa uu sheegay in ay kordhin lahaayeen miisaaniyadda Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyaga oo ictiraafka u qoondayn lahaa miisaaniyad 4 milyan oo Doollar ah.

“Laba milyan miisaaniyadda madaxtooyada ee 8-da milyan maraysa ayaan ka soo jari lahayn, laba milyana meelaha kale ayaan ka soo goyn lahayn. 4-taa milyan ayaan u qoodayn lahayn waxanan awoodda saari lahayn shan dal oo Afrikaan ah si ay u noqodaan kuwa ugu horreeya ee ictiraafka ku dhawaaqaya” ayuu yidh Jamaal.

Hoos ka daawo muuqaalka Horn Cable TV ee su’aalaha iyo jawaabaha: