Ugu yaraan 700 oo qof ayaa ku dhintay dagaalka DR Congo tan iyo Axaddii – Qaramada Midoobay

QM ayaa sheegtay in ugu yaraan 700 oo qof lagu dilay dagaal xooggan oo ka socda Goma, magaalada ugu weyn ee ku taalla bariga Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo, tan iyo Axaddii.

Afhayeen u hadlay QM, Stéphane Dujarric ayaa sheegay in 2,800 oo qofna la dhaawacay, iyadoo fallaagada M23 – oo ay taageerto Rwanda – ay qabsadeen caasimadda gobolka North Kivu.

Fallaagada ayaa haatan la sheegay inay kusii siqayaan dhanka koofureed ee Bukavu, oo ah caasimadda gobolka South Kivu.

Dagaalka bariga DR Congo ayaa soo billowday sanadihii 1990meeyadii balse toddobaadyadii lasoo dhaafay ayuu xoogeystay.

M23, oo ka kooban qowmiyadda Tutsi, ayaa sheegay inay u dagaallamayaan xuquuqda bulshada laga tirada badan yahay, halka dowladda Congo ay sheegtay in fallaagadan ay Rwanda taageerto ay doonayaan inay gacanta ku dhigaan kheyraadka macdanta ee ballaaran ee ceegaagta gobolka bariga dalkaas ku yaalla.