Ukraine oo ugu Baaqday Dalka Mongolia inay xidho Putin oo Booqasho ku Tagaya Dalkaa

Ukraine ayaa ku boorisay Mongolia inay xidho madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ka hor booqashadiisa dalkaas ee toddobaadka soo socda, taas oo ah tii ugu horreysay oo uu tago dal xubin ka ah Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) tan iyo markii ay hay’addu soo saartay amar lagu soo xidhayo.

Maxkamaddu waxay ku eedaysay Mr Putin inuu mas’uul ka yahay dambiyo dagaal, isaga oo sheegay inuu ku guul-darreystay inuu joojiyo caruurtii laga soo tarxiilay Ukraine ee loo waday Ruushka tan iyo markii uu dagaalku billowday.

Afhayeen u hadlay ICC ayaa BBC u sheegay in mas’uuliyiinta Mongol “ay waajib ku tahay” inay u hoggaansamaan xeerarka ICC, balse wuxuu caddeeyay in taasi aanay macnaheedu ahayn in la xidhayo.

Kremlin-ka ayaa sheegtay in aanay wax walwal ah ka qabin booqashada, oo lagu wado in ay dhacdo Salaasada soo socota. Waxay sheegeen in ay xidhiidh wanaagsan la leeyihiin Mongolia,” sida uu suxufiyiinta u sheegay afhayeenka Kremlin Dmitry Peskov.

“Dabcan, dhammaan dhinacyada socdaalka madaxweynaha si taxadar leh ayaa loo diyaariyey.” Ayuu yidhi Peskov.

Dr Fadi el-Abdallah, oo ah afhayeenka ICC, ayaa BBC u sheegay jimcihii dowladaha xubinaha ka ah ICC oo ay ku jirto Mongolia – “ay waajib ku tahay inay u wada shaqeeyaan si waafaqsan cutubka IX ee heshiiskii Rome” ee lagu dhisay maxkamadda. .

Maxkamadda ayaa sanadkii hore ku eedeysay madaxweynaha Ruushka inuu mas’uul ka ahaa dambiyo dagaal, isaga oo diiradda saarayay in carruur laga soo tarxiilo Ukraine oo la geeyo Ruushka. Waxa kale oo ay soo saartay amar lagu soo xidhayo guddoomiyaha xuquuqda carruurta ee Ruushka, Maria Lvova-Belova, oo isla dembiyo la mid ah.

Waxa ay sheegtay in dambiyada ay ka dhaceen Ukraine laga soo bilaabo 24-kii Febraayo 2022 – markaas oo Ruushku uu billaabay duullaankii ballaadhnaa.

Moscow ayaa horay u beenisay eedeymaha loo soo jeediyay waxayna ku tilmaantay waaranka mid “wax laga xumaado”.

ICC ma laha awood ay ku xidho tuhmanayaasha, waxayna awood u leedahay oo kaliya in ay xukunto wadamada xubnaha ka ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa sheegtay in ay rajaynayso in Mongolia ay ka warqabto xaqiiqada ah in Vladimir Putin uu yahay dambiile dagaal, waxayna ugu baaqday madaxda dalkaas in ay qabtaan hoggaamiyaha Ruushka oo ay u gacan galiyaan dacwad oogayaasha magaalada Hague ee fadhigeedu yahay magaalada ICC ee dalka Holland. .

BBC-da ayaa la xidhiidhtay safaaradda Mongolian ee London si ay wax uga qabato.

Sannadkii hore, Mr Putin ayaa baajiyay booqasho uu ku tagi lahaa shir madaxeed ka dhici lahaa Koonfur Afrika ka dib markii maxkamadda ICC ay soo saartay amar lagu soo xidhayo.

Saxeexaha maxkamada, Koonfur Afrika waa in ay ku xidhaa tuhmanayaasha dalkeeda, laakiin Madaxweyne Ramaphosa ayaa uga digay Ruushka inuu u arki doono mid ku dhawaaqis dagaal.

Mr Ramaphosa ayaa sheegay in go’aanka ah in hogaamiyaha Ruushka aanu ka soo qeybgalin uu ahaa “mid labada dhinac ah”.

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com