Ururada Bulshada rayidka ahi waxay kulan is xog-iswaraysi ah la yeesheen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

 

Ururada Bulshada rayidka ah ee ka shaqeeya arrimaha Caddaaladda iyo Xuquuqal Insaanka oo ay Hogaaminayso Dalladda Guud ee ururada aan Dawliga ahayn ee SONSAF ayaa kulan Xog-iswaraysi ah la yeeshay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo ay wehelinayeen Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Mudane Cali Suudi iyo la-taliyaha gaarka ah ee Guddoomiyaha Maxkamadda sare Mudane Dayib Nuur, Kulankan oo ka qabsoomay Xarunta Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa lagaga wada hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen mudda dhaafka maxaabiista, Xeerka Jinsiyadda Somaliland, Xeerka Saxaafadda, dhibaatada loo geysto marka guur dhex maro laba qof oo ka soo kala jeeda beelaha gabooye iyo dadka kale ee la deegaanka ah, go’aankii boolisku dhallinyarta kaga xiireen timaha iyo qodobo kale.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa si faahfaahsan uga warceliyay dhamaan qodobadii laga wada hadlayay.
Dhamaadkii kulanka waxay labada dhinac isla garteen in la joogteeyo kulamada xog-iswaraysi ee labada dhinac, iyo in la aasaaso Guddi hawleed balaadhan oo ka kooban Ururada Bulshada rayidka ah ee ka shaqeeya Xuquuqda Aadamaha iyo Cadaaladda oo markasta kulamo kala war-qaadasho oo ku saabsan xaaladda xuquuqda aadamaha iyo Cadaaladda Somaliland la yeesha Masuuliyiinta sarsare ee Garsoorka Somaliland.

bandhige@gmail.com