Ururka ardayda reer Somaliland ee Suudaan oo doortay hoggaan cusub

Ururkan ardayda reer Somaliland ee wax ka barata dalka Suudaan ayaa doortay hoggaan cusub, kaasi hagi doonaa ururka sannadada soo socda.

Ururkan ayaa waxa uu shaqeeyaa is dhexka, ka war haynta iyo taageerida ardayda reer Somaliland eek a wax ka barata Suudaan. Hoggaankaan cusub ayaa waxa ku soo beegmay xili uu ururku baahi weyne hoggaan cusub.

Doorashada hoggaankan cusub ee ururka Wadajir ayaa waxa gacan aad u weyn ka gaystay, ardayda dalkaasi ku sugan ee Somaliland iyo dhamaan aqoonyahanka reer Somaliland ee dalka Suudaan kuwasi oo dhammaantood dadaal aad u badan galiyay sidii ay ardayda reer Somaliland ee Suudaan wax ka barataa ay u yeelan lahaayen  hoggaan cusub.

Hogaanka cusub ee ururka ardayda Somaliland ee Suudaan wax ka barata ay doorteen waxay kala yihiin sidan.

1.Gudoomiye  Ayaanle Axmed Hoori

2.Gudoomiye-xigeen Cabdiraxmaan Jaamac Saleebaan (Fanax)

3.Xooghayaha Guud Mubaarik Cabdi Jaamac

4.Madaxa Arimaha Dibada Guuleed Cabdilaahi Xasan

5.Madaxa Warfaafinta Maxamed Cali Muxumed

6. Madaxa Maaliyada Abdixakiin Maxamed Muuse

7. Madaxa Acadamic Iyo Sport-s Ka Abdifataax Mubaarik Maxamed

8.Gudoomiyaha Garabka Haweenka  Xaliimo Cabdiraxmaan Xasan

bandhige@gmail.com