Somaliland Y-PEER oo taageero ka helay Deaconess Foundation ayaa tabobar dhinaca yagleelidda iyo maaraynta ganacsiga ah siiyey 40 haween ah oo ku nool magaalada Hargeysa, kuwaas oo badankoodu doonaya in ay ganacsi cusub furtaan halka qaarkoodna ay hadda uun bilaabeen ganacsi laakiin ay doonayaan in ay korodhsadaan aqoon iyo waayo’aragnimo lagu maamulo ganacsiga.
Tabobarka waxa bixiyey khabiir aqoon sare u leh arrimaha hal-abuurka ganacsiga Hassan Gaadhhaye Mohamed. Tabobaruhu wuxu dejiyey cashar ay si siman uga wada faa’iidaysan karayaan tabobarayaasha afartanka ah oo heerarka aqoontoodu kala duwanaa.
Tabobare Xasan wuxu tabobarka ku bixiyey qaababka caalamiga ah ee hal-abuurka ganacsiga, laakiin wuxu tusaaleyaasha oo dhan ku soo qaatay ganacsiyada kala duwan ee Somaliland. Guud ahaan, tabobarku wuxu ahaa mid laga wada-qayb-qaadanaya oo aan ka socon dhinaca macallinka oo kali ah. Taasina waxay ka-qayb-galayaashii fursad u siisay in ay soo bandhigaan aragtiyahooda iyo waayo’aragnimadooda kala duwan ee la xidhiidha sida ganacsi loo abuuro loo maareeyo loona koriyo.
Muddadii uu tabobarku socday, waxaa kale oo la falanqeeyey kiisaska shaqsiyaad ganacsi yaleelay kadibna meel sare ka gaadhay ganacsiga markii ay si fiican u maamuleen una koriyeen ganacsigooda. Wuxuuna macallinku kula taliyey ka-qayb-galeyaashii tabobarka in ay shakhsiyaadkaas ku guulaystay ganacsiga ay role model iyo tusaale ka dhigtaan.
Gabagabadii tabobarka ka-qaybgalayaashu waxay codsadeen in lala raadiyo maalgalin suurtogalin karta firkadahooga ganacsi in ay u rogaan kuwa shaqaynaya ama daymo hadba wixii loo heli karo. Somaliland Y-PEER ayaa dhinacooda ballan-qaaday in ay tabobarayaasha la wadaagi doonaan wixii fursado ah ee ay arkaan ee la xidhiidha maalgelinta hal-abuurka ganacsiga ama bixinta daymo lagu yagleelo laguna koriyo ganacsiga. Dhammaadkii tabobarka ka-qaybgalayaasha waxa la guddoonsiiyey shahaadooyin.