Ururka Qareenada oo Caqabada Sharciga u Gudbiyay Guddida iswaafajinta Doorashooyinka

Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka Golaha Wakiilada JSL ayaa Fadhigoodii 14aad waxa ay xarunta golaha kula kulmeen Ururka qareenadda Somaliland (SOLLA)

Fadhigani oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha gudidaasi Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax kana soo qayb galeen Xubnaha gudidaasi intii uu socday waxa ay Ururka qareenadu soo jeediyeen dhammaan caqabadaha iyo gal daloolooyinka ku jira Xeerarka doorashooyinka dalka iyagoona sidii loo sixi lahaa ay gudida usoo gudbiyeen.

Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka Golaha Wakiilada oo ku xisaabtamaya wakhtiga ay haystaan ayaa sii wadi doona kulamadani labbada galinba ay la qaadanayaan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo daneeyayaasha Siyaasadda.