Ururka SOLJA wuxu suxufiyiinta u furay dood ku saabsan sidii dhaqaalaha saxaafadda loo kobcin lahaa

Shir ballaadhan oo lagu lafagurayay dhaqaalaha saxaafadda Somaliland iyo caqabadah jira ayaa subaxnimadii Arbacada lagu qabtay huteelka Baar Xaraf, Hargeysa.

Shirkan oo ay qabanqaabiyeen SOLJA waxaa ka so qaybgalay guddoomiyha SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac “Xuuto”, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfafinta Maxamed Cilmi Aadan, xubno ka mid ah ruug-caddaaga saxaafadda Yoonis Cali-Nuur, Maxamed Cali Waji, Mijir Qaadi iyo suxufiyiin tiro badan.

Sidoo kale waxa iyaguna goobjoog ahaa ururrada maxaliga ah ee loo yaqaan NGO-yada iyo xubno kale oo daneeyeyaal u ah saxaafadda.

Agaasimaha SOLJA Cabdiraxmaan-Rabbiile iyo Guddoomiyaha Maxamuud Cabdi Jaamac “Xuuto” oo furitaankii shirka ka hadlay waxa ay ayaa ujeeddada shirka ku tilmaamay in ay tahay sidii looga wada hadli lahaa loona lafoguri lahaa dhaqaale-xumada haysata qaybo badan oo ka mid ah saxaafadda iyo sidii caqabaddaas looga gudbi lahaa.

Madaxda SOLJA waxa ay sheegeen in shirkani daba socdo kii todobaadkii hore lagu qabtay Guuleed Huteel ee lagu soo bandhigay istiraatijiyadda saddexda sanno ee soo socda ay ku shaqaynayso SOLJA.
“Ujeeddada ugu muhiimsan ee aynu isugu nimid waa sidii loo horumarin lahaa suxufiga Somaliland” ayuu yidhi Xuuto.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Maxamed Cilmi Aadan “Ilka-Case” oo isaguna ka hadlay furitaankii shirka wuxu suxufiyiinta ku guubaabiyey in ay ku dedaalaan sidii ay u samaysan lahaayeen sanduuq uu suxufi kastaaba bishii wax ku rido kaas oo haddii si wanaagsan loo maamulo wax ka tari kara dhaqaalaha saxaafadda.

Suxufiyiintii shirka ka soo qayb-galay ayaa iyaguna fikradahooda ka dhiibtay sida ay u arkaan in lagu kobcin karo dhaqaalaha saxaafadda. Sidoo kale waxa ay dhexdooda iska wacdiyeen ilaalinta anshaxa saxaafadda iyo ku dhaqanka shuruucda.

bandhige@gmail.com