Ururka Somaliladn Y-PEER iyo Helsinki Deconses Foundation waxay kulan u qabteen kulan ardaydii hore ee ka qalin jebisay barnaamijka tababarada xirfada nolosha

 

Hay’ada Maxaliga ah ee Somaliland Y-PEER iyo Helsinki Deconses Foundation oo taageero ka helay Wasaarada Arrimaha Dibedda Finland waxay kulan ardaydii hore ee ka qalin jebisay barnaamijka tababarada xirfada nolosha.

Kulankani ayaa waxa ka soo qeyb galay ardaydii hore ee ka qalin jebisay barnaamijka tababarada xirfada nolosha, Agaasimahayaasha wasaarada Ciyaaraha iyo Waxbarashada iyo madaxa suuq-geynta shirkada dhaweeye, saraakiil ka tirsan wasaarada Shaqo gelinta iyo arriamaha bulshada iyo Wasaarada waxbarashada. Sidoo kale waxa ka soo qayb galay shaqaalaha Y-PEER

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Agaasimaha Somaliland Y-PEER Maxamed Mahad Dhamac Waxaana uu yidhi:

โ€œKulankii waa kii labaad, kulankii koowaad wuxuu dhacay sannadkii hore bishii 11aad, wakhtigaas oo ka qalin jebiyeen barnaamijka xirfadaha 50 dhallinyaro ahi, balse waxa sannadkan qalin jebiyey 100 dhallinyaro oo tirada guud ka dhigaya 150 qof oo dhammaanta maanta halkan lagu soo casuumay.โ€

Barnaamijka barnaamijka tababarada xirfada nolosha waxa lagu tababar dhallinyarada kaasi kaasi oo ka caawiya in ay ku dabaqaan noloshooda.

Sidoo kale waxaa iyaguna goobtaasi hadalka iska daba qaatay Guddoomiyaha Somaliland Y-PEER Cabdicasiis Xirsi Warsame, waxaanu yidhi:

โ€œXirfadaha nolosha waa xaydha gaadhi la mariyo marka biraha la galinayo. Si aanay u jajabin. Xirfadahani waxay qofka dhigaan in mid wax fahansan. Waxyaabaha ugu qaalisan xirfadan waxa ka mid xirfada xidhiidhka.ย ยป

Sidoo kale isna waxaa halkaasi ka hadlay Maxada xidhiidhka Shirkada Tagaasida Dhaweeye Farax Ayaanle Dayax Weerar, waxaanay tidhiย :

โ€œMarkaad tahay qof dhallinyar ah, suuqa waa la tartamayaa. Tartanka lagu wada jiraa mid xor ah oo xalaal ah. Muhiim weeyaan in aad barnaamij noocan oo kale ah barataa, waxase ka muhiimsan side baad u keeni kartaa xirfado kuu gaar ah oo dadka kale kuwooda ka duwan u keeni kartaa.โ€

Waxa kulanka ka hadlay kulan Agaaisamah Guud ee Wasaarada Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha, Maxamed Saciid Cabdilaahi โ€œKhaawiโ€ waxaanu yidhi:

โ€œBarnaamijka xirfadaha Noloshu waa barnaamij muhiim, qofku in uu barto sida uu noloshiisa u maamulo waa shay aad u muhiim, waxaan ku bogaadinayaa in urur Y-PEER muhiimada ay siiyaan dhallinyarada.โ€

Waxa kale isaguna koobtaasi ka hadlay Agaasimaha Guud Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Abokor, waxaanu yidhi:

โ€œWaxaan ku faraxsan ahay in kasoo qayb gal barnaamijkan oo maadaama wax ka bedelo nolosha qofka. Xirfadaha noloshu way fara badan yihiin, waxaย se muhiim ah in uu qofku fahmo xaalada waaqaca ah ee uu ku nool yahay iyo halka uu doonayo in uu hiigsado.โ€

kulanka ayaa waxa lagu lafa guray khibrada ay heleen dhallinyarada iyo sidoo kale waxa dhiiri dhallinyarada.

Waxa sidoo kulan lagu soo bandhigay siyaasada shaqo carbine e Wasaarada Shaqo โ€“gelintu sameeyeen.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:ย 

 

bandhige@gmail.com