USA: Qalalaase ka taagan xadka u dhaxeeya Mexico iyo US

Dagaal ayaa ka socdo, inta badan wadooyiinka waaweynna waa la xiray, magaalo ku taalla meel u dhow xadka dalka Mexico uu la wadaago Mareykanka, oo lagu magacaabo Reynosa, taas oo ah meesha ugu qalalaasaha iyo rabshada badan ee dalkaasi.

Sida ay warbaahinta gudaha ee Mexico ku waramayaan, rabshada ayaa bilaabatay kaddib markii la qabtay El Gate oo ah hogaamiyaha burcad halkaasi ka jirta.

Iskudhaca waxa uu bilowday galabtii Jimcaha, waxaana xigay, rasaas aad u xoog badan oo la isdhaafsaday. Wararka waxa ay sheegayaan in gawaari badan la guday.

Maamulka ayaa amar degdeg ah ku soo rogay magaalada, waxaana dadka loo sheegay inaysan dibadda u soo bixin.

Balse, dembiga ayaa halkan waxa uu ka yahay qeyb ka mid ah nolosha maalinlaha ah, waa magaalo aad ugu dhow xuduuda Taxes ee dalka Mareykanka.

Burcaddan oo loo yaqano Gacanka, ayaa ah kooxda ugu weyn ee gobolkan ka howlgasha, markuu jiro dagaal dhinacyo ishaya u dhexeeya dembiyo kale ayaa bilowda.

Magaca El Gafe ayaa warbaahinta bulshada aad ugu dhexwareeganaya, wararkana waxa ay sheegayaan in markii la qabtay uu dagaalka bilowday.

Balse waxaa yar inta laga garanaayo El Gafe, inkastoo magaciisa runta ah uu yahay. Waxaa loo maleynaayaa inuu xilkan qabtay kaddib markii la laayay hogaamiyayaashii asiga ka horeeyay.