Ustariya oo meydadka 71 muhaajiriin ah laga helay gaadhi

Ku dhowaad 71 qof oo muhaajirin ah ayaa meydkooda laga heley gaadhi kuwa xamuulka qaada, gaadhigan ayaa laga helay meel u dhow magaalada Parndofr oo ku taala xadka Ustariya ay la wadaagto waddanka Hungari maanta oo Khamiis ah.

booliska ayaa sheegay in ay heleen meydadkana balse may sheegin sababta dadkaasi u dhinteen.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaasi, Johanna Mikl-Leitner, ayaa tilmaamay in musiibadan ay markale tusineyso sida loogu baahan yahay in Yurub ay shuruuc lagu difaacayo dadka soo galootiga ah loogana hortagyo dadka dhibaateeya in la sameeyo.

Gaadhiga maydadka laga helay waxa uu ka diiwaan gashan yahay dalka Hungari, xukuumadda Buudhiska waxay sheegtay in ay maamulka Usteeriya kala shaqeynayaan sidoo loo qaban lahaa darawalkii waday gaadhiga.

Sidoo kale waxa maanta ka furmaya Usteeriya shir looga hadlayo muhaajiriinta Yurub ku soo qulqulaya.

Shirkana ayaa imanaya wakhti ay fashilmeen shuruucda dadka megengelyo doonka ah ee Yurub u soo tahriibaya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Austria, Sebastian Kurz oo la hadlay warbaahinta ka hor shirka ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo dadaalka lagula tacaalayo tirada tahriibayaasha ee Yurub ku soo wajahan.
Sannadkan ayaa kor u kacay tirada tahriiibayaasha ka cararay waddankoodii oo ay qaar ka mid ahi dagaalo saameeyeen iyo qaar kale oo dhaqaalo doon ah.

bandhige@gmail.com