Waxa mar kale soo ifbaxay hab-dhaqanka aan ka-fiirsiga lahayn ee Madaxweynaha la doortay Donald Trump kadib markii uu safiirka Maraykanka u fadhiya Israa’iil u magacaabay David Friedman oo ah nin ku caanbaxay xagjirnimo islaam nacayb ah isla markaana aan aaminsanayn in Yuhuudda iyo Falastiiniyiintu ay noqdaan laba qaran oo isku barbar nool.
David Freidman oo ah 71 jir, wuxu aamisan yahay in caasimadda Israa’iil ay noqoto Quddus, isla markaana safaaradda Maraykanku ku leeyahay Tel Aviv loo soo raro Quddus oo ay Yuhuudduna u taqaano Jerusalem.
Ninkani wuxu kale oo uu aaminsan yahay in Yuhuuddu ay sii kordhiyaan degsiimooyinka sharci-darrada ah ee ay ka wadaan Daanta Galbeed, isagoo sheegay in aanay ahayn sharci darro.
Ambassador David Friedman wuxu toos uga hor yimid siyaasadda Maraykanka u taalla ee odhanaysa in qofka Quddus ku dhasha aan la odhan karin wuxu ku dhashay Israa’iil laakiin la odhanayo wuxu ku dhashay Jerusalem.
War kooban oo uu soo saaray xafiiska Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump David Friedman waxay ku sheegeen in uu diyaar u yahay in uu safaaraddii Maraykanka ee Israa’iil u rarayo Quddus, taas oo macnaheedu tahay magaalada asal ahaan Falastiiniyiintu lahaayeen ee uu masaajidka saddexaad ee Islaamka ugu barakaysani ku yaallo in ay tahay magaalo-madaxda Israa’iil.
Magacaabistiisa waxa soo dhaweeyey siyaasiyiin Israa’iiliyiin ah halka ay aad uga cadhoodeen qaar ka mid ah madaxda Falastiiniyiintu.
Xukuumadda Israa’iil ayaa muddo aad u dheer dalbanaysay in Safaaradda Maraykanku ku leeyahay Israa’iil loo raro Jerusalem. Hase ahaatee madaxweyneyaashii Maraykanka soo maray oo dhami ganafka ayay ku dhufteen iyagoo tibaaxay in taasi halis galin doonto amniga Maraykanka.
Mustafa Barquusi oo ah sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Falastiiniyiinta ayaa sheegay in magacaabista David Friedman ay ka dhigan tahay rajadii Falastiiniyiinta oo god dheer ku sii dhacday.
Sidoo kale waxa la filayaa in waddamada waaweyn ee Islaamka iyo Jaamacadda Carabta ay ka timaad cambaarayn la xidhiidha magacaabista David Friedman.
Il-wareed: Wakaaladaha Wararka
Bandhige@gmail.com