Waa kuma Fu’aad Yuusuf Cali, Duuliyaha ka soo dhex hadlay xabsiga Jabuuti?

Fu’aad Yuusuf Cali, oo ahaa duuliye ciidan, ayaa u cararay Itoobiya 27-kii bishii Maarso ka dib markii uu dhalleeceeyay “cadaalad darrada ka dhex jirta Milatariga dalkaas,” sida ay qortay warbaahinta RFI oo isaga soo xigatay.

Fu’aad waxa uu ka tirsanaa ciidamada cirka Jabuuti. Muddo toban sano ah, wuxuuna ku “andacoonayaa inuu la kulmay taciddiyo kala duwan iyo cadaalad darro”.
Dawladda Jabuuti ayaa markii dambe soo saartay amar ah in la soo xiro Yuusuf oo Itoobiya ku sugnaa laguna soo wareejiyo.
Horraantii bishii April, xilli uu isu diyaarinayay inuu gudbisto codsi megengelyo ayaa duuliyaha lagu xiray Addis Ababa.

Ka dibna waxaa bilowday Olole dhanka online-ka ah oo lagu dalbanayay in xorriyadiisa loo soo celiyo, hase yeeshee dowladda Itoobiya wax jawaab ah kama aysan bixin.
Taariikhda Fu’aad oo kooban
Fu’aad wuxuu Bishii October ee 1983-dii ku dhashay Magaalada Jabuuti, gaar ahaan xaafadda Xayaabley, halkaas oo uu ku korey.
Duuliyahan u xiran dowladda Jabuuti wuxuu dhalay toddobo carruur ah oo kala ah 5 will iyo 2 gabdhood.

Wuxuu wax ka bartay jaamacadda jibuuti, oo uu dhammeeyay sannadkii 2003-dii.
Ciidammada wuxuu ku biiray 2006, waxaana loo diray dalka Morocco oo uu ku soo qaatay tababarka Duuliye. Afar sano ayuu halkaas ku maqnaa.
2010 wuxuu shaqo ka billaabay xerada ciidammada cirka Jabuuti, waxaana la siiyay xiddig.
2014 waxaa loo diray koonfur Afrika si uu usoo qaato tababar dheeraad oo duuliyanimada. Laba sano ayuu ku maqnaa 2019 ayaa laba xidigle laga dhigay Bishii March 27, ee sannadkan ayuu dhinaca itoobiya u goostay
Magangalyo ayuu bishii April weydiistay Itoobiya 15 April Itoobiya waxay ku soo wareejisay Jibuuti.

Xaaskiisa oo xogtaas oo dhan u xaqiijisay BBC News Somali ayaa sheegtay in ay “aaminsantahay in sirdoonka itoobiya ay ku wareejiyeen” dowladda Jabuuti.|

Xigasho: BBC