Waa kuma wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Turkiga ee uu Erdogan ugu yeero “furaha sirtiisa”?

Shaki la’aan, mid ka mid ah magacaabisyada golaha wasiirrada ee uu Erdogan sameeyay ee ugu hadal haynta badan ayaa ahayd Hakan Fidan, oo muddo 13 sano ah soo hoggaaminayey Waaxda Sirdoonka Qaranka (MIT) oo haddana loo magacaabay wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Hakan Fidan wuxuu taariikhda Turkiga ku galay in uu noqday magacaabistii rasmi ah ee ugu horreysay ee madaxa sirdoonka hal mar loo dallacsiiyo hogaanka diblomaasiyadda Turkiga.

Fidan oo uu Erdogan ku tilmaamay ”furaha sirtiisa” ayaa lagu qiimeeyay in ay heerkan gaarsiisay sida uu ugasoo caddaaday shaqadiisa MIT oo ah hay’ad si joogta ah ugu leg leh hawlaha gobolka, laga bilaabo Libya illaa Suuriya, Ukraine illaa gobollada Caucasus.

Waxaa madaxa sirdoonka loo magacaabay sannadkii 2010. Shaqada Fidan oo hawlahan daaha gadaashiisa ka qaban jiray sida habraacii xal u helidda PKK iyo isku daygii afgembi ee 15 kii july, ayaa si taxaddar leh loo daawan doonaa gudaha iyo bannaankaba.

Bandhige@gmail.com