Wada-hadalladii nukliyeerka Iiraan waxay qarka u saaran yihiin burbur

Saddex bilood kadib markii la gaadhay heshii ku-meel-gaadh ahaa, waxa hadda soconaya wada-hadalladii u dhaxeeyey Iiraan iyo lix quwadood oo dunida ah si la isugu dayo in heshiis kama-dambays ah laga gaadho barnaamijka nukliyeerka Iiraan.

Laakiin wada-hadalladu waxa ay hadda marayaan meeshii ugu darnayd uguna adkayd. Iyada oo ay maalmo uuni ka hadhsan yihiin xili-gii kama-dambaysta ahaa ee loo qabtay in heshiiska lagu soo afjaro ayaan wali wax heshiis ah laga gaadhin qaybihii ugu muhiimsanaa wada-hadallada.

Meelaha is-mari-waagu ka jiro waxa ka mid ah Iiraan oo diidan in ay ogolaato in kormeerayaal caalami ahi tagi karaan xarumaheeda milatariga.

Khubaro wax laga weydiiyey sida uu xaalku u socdo waxa ay sheegeen in haddii heshiiskan fashilmo ay Iiraan iyo kuwa ay cadowga isku yihiin meel halis ah isla geli doonaan.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykan John Kerry oo lahaa hindisaha wada-hadalkan ayaa 31-kii May ku dhaawacmay baskiilad uu ku dhex watay dalka Faransiiska balse hadda ku soo noqday wada xaajoodka.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka

bandhige@gmail.com