Wada-hadalladii xisbiyada iyo xukuumadda maanta ayaa la filayaa in ay dib u bilaabmaan. Tolow yaa taansuli doona?

Wada-hadallo teelteel ah oo soo bilaabmay Arbacadii todobaadkii ina dhaafayey oo u dhaxeeyey xisbiga talada haya iyo xukuumadda oo dhinac ah iyo labada xisbi mucaarid, Waddani iyo UCID.

Sida ay tibaaxayaan wararka laga helayo dadka aadka ugu dhawdhaw dhinacyada doodda isku hor fadhiya, saddexda xisbi waxay kala taagan yihiin saddex mowqif oo kala duwan.

Xukuumaddu waxay sida la sheegay ka dalabtay labada xisbi ee mucaaridku in ay sideeda ku aqbalaan go’aankii Guurtida, maadaama uu Golaha Guurtidu distooriyan awood u leeyihiin muddo-kordhinta.

Xisbiga Waddani wuxu ku celceliyey in aanu ka tanaasulayn mowqifkiisa ah in doorashada lagu qabto xiligii ay soo jeediyeen Guddida Doorashooyinka Qaranku oo ku began 1-da June 2016.

Xibiga UCID wuxu ogolaaday in dhawr bilood oo dheeraad ah lagu kordhin karo wakhtigii Guddida Doorashooyinku cayimeen laakiin wuxu diiday muddo-kordhinta Guurtidu samaysay.

Ugu dambayntii, Madaxweyne-Xigeenka Somaliland ayaa sida wararku nagu soo gaadheen xisbiyada mucaaridku u soo jeediyeen in uu dib ugu noqdo Madaxweynaha lana soo tashado wixii ay yeeli lahaayeen, kadibna Isniinta fadhi kale la isugu soo noqdo.

Sida ay xantu nagu soo gaadhay, ergada mucaaridku ballanka Isniinta waxa ay ogolaadeen kadib markii sida la sheegay ay dareemeen in Madaxweyne-Xigeenka iyo Guddoomiyaha Kulmiye aanay kalidood go’aan ka gaadhi karayn qodobada la isku hayo ilaa ay la soo tashadaan Madaxtooyada.

Sida muuqata xisbiyada mucaaridka iyo xukuumaddu waxay kala taagan yihiin mowqifyo aad u kala fog. Shirka maantana waxa lagu heshiin karaa oo kaliya xukuumadda oo debacda ama mucaaridka oo tanaasula, taas oo aanay ifa-faalaheedii muuqan.

Dadweynaha qaar ayaa wadahadalladan u arka in ay rajo ka soo muuqata halka qaar kalena ay u arkaan in ujeeddada kaliya ee xukuumaddu ka leedahay ay tahay in wakhtiga la lumiyo arrinka muddo-kordhintuna ugu dambaynta sidii uu ahaa meelmar ku noqdo.

Kala soco Bandhige wixii shirka maanta loo ballansan yahay ka soo kordha.
bandhige@gmail.com