Wadamada Israa’iil, Imaaraatka iyo Baxrayn Oo Heshiis Ku Kala Saxeexday Guriga Cad Ee Maraykanka

Guriga cad ee Maraykanka waxa shalay heshiis noociisa hore u dhicin ku kala saxeexday wadamada Israa’iil, Imaaraadka iyo Baxrayn. Heshiiskan waxa loogu magacdaray Heshiiska ilma Nebi Aadan “Ahraham Accords”.

Madaxweynaha Maraykanka oo isna halkaas ka hadlay ayaa ku tilmaamay heshiiska mid taariikhi ah isaga oo ku sheegay in cadceed cusub u soo baxday bariga dhexe la ga na soo gudbay sanado badan oo khilaaf iyo kala qaybsanaan ah.

Dedaalka xoogan ee bilahan danbe uu hormoodka ka yahay Taraam ayaa la sheegay in uu salka ku hayo sidii Maraykanku uga abuuri lahaa bariga dhexe xulafo xoogan oo la siyaasad iyo aragti ah danaha Maraykanka. Waxa kale oo la filayaa in xulafada Bariga Dhexe hogaanka u qabato dawladda Israa’iil.

Ujeeddooyin dhowr ah ayaa lagu sheegay dedaalka Taraam ee samaynta xulafadan taasi oo ay ugu horayso in laga hortago fiditaanka awoodda wadamada Turkiga iyo Eeraan. Israa’iil iyo wadamada Reergalbeedka ayaa u arka Turkiga iyo Eeraan in ay khatar ku yihiin danahooda Bariga Dhexe sidaa awgeed ay keliftay in saaxibadooda Bariga Dhexe ay hogaanka u qabtaan iyaga u arkay in Carabta laftooda ee keliyetaliyeyaashu horfadhiyaan in labada wadanba khatar ku yihiin.

Mr. Taraam ayaa xafladda lagu saxeexayey ka sheegay in 5 wadan oo kale ku soo jiraan safka oo maalmo dhow iyaguna heshiis noocan oo kale ah ay la saxeexan doonaan Yuhuudda. Waxa uu afka ku dhuftay in shantaas ugu horeeyo Dawladda Sacuudi Carabiya. Wadamada kale ayaa iyana la sheegayaa in ay ka mid yihiin Suudaan iyo Cumaan.

Goobta uu ka dhacay heshiiska shalay ayaa ah isla goobtii 25 sano ka hor madaxweynihii hore ee maraykanka bill Clinton ku heshiisiiyey hogaamiyihii hore ee Falastiin Yaasir Carafaat iyo Ra’iswasaarihii hore ee Yuhuudda Yitzhak Rabin.

Bandhige@gmail.com