Waddada isku xidha Ceerigaabo iyo Ceel-Af-Weyn oo maanta la furay

Waxaa maanta si rasmi ah loo furay waddada wayn ee u dhaxaysa magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo iyo Ceel-Afweyn ee Somaliland.

Waddadan laamiga ah oo dheereerkeedu yahay 86 kilomitar waxaa xadhigga ka jaray maanta Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Horumarinta Waddooyinka Somaliland Cabdullaahi Abokor.

Waddada Ceerigaabo iyo Ceel-Afweyn ayaa ka qayb ah mashruuca dhismaha laamiga ilaa magaalada Burco oo dhan 284 kiiloomitir.

Waa mashruuca ugu wayn ee halkaasi laga bilaabay oo shanti sanno ee lasoo dhaafay  socday, waxaana ilaa iyo haatan ku baxay 22 milyan oo doollar.

Dadka deegaanka ayaa weriyaha BBC-da Axmed Saciid Cige u sheegay in horraan shacabka deegaanka ay 12 saacaadood ay ku qaadan jireen waddada Ceergaabo iyo Burco, mararka ay roobabka da’aana dadka ay habeen u dhixi jireen balse hadda waxay ku qaataan 4 ilaa 5 saacadood.

Xigasho: BBC Somali