Waddamada Yurub oo kala saxeexday heshiis wax lagaga qabanayo qulqulka muhaajiriinta

Hogaamiyeyaasha dalalka bartamaha Yurub iyo kuwa Balkaniska ayaa kala saxeexday heshiis ka kooban 17 qodob oo waxa lagaga qabanayo dhibaatooyinka dadka muhaajiriinta haysta.

Heshiiskan ayaa waxa ka mid ah in 100,000 oo qof la siiyo cunno iyo hoy ay ku noolaadaan dadkaas oo daadsan jidka loo sii maro Balkaaniska iyo Giriiga oo kala badh joogaan.

Sidoo kale dalalkani waxay isku raaceen in ay sare u qaadayaan ilaalinta xuduudaha oo ay iskaashi buuxa ka sameeyaan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Guddiga Midowga Yurub Jean-Claude Juncker, ayaa dalalka Balkaaniska ugu baaqay in aysan si jahwareer leh isu soo dhaafin qaxoontiga.

Waxa kale oo ay dalalkani soo jeediyeen in Turkigu qaado talaabooyin uu ku xakamaynayo qulqulka muhaajiriinta ka gudbaya xadkiisa si ay u gaadhaan Giriiga.

Todobaadkii ugu dambeeyey waxa Giriiga soo gaadhayey maalin walba dad lagu qiyaasay 9 kun oo qof oo noqonaysa tiradii ugu badnayda ee soo gaadha Yurub maalin kast tan iyo bilowgii sannadkan.

bandhige@gmail.com