Waddan ciidamadiisu Soomaaliya u joogaan nabad-ilaalin oo isagii ciidan nabad-ilaalineed loo dirayo

Waddanka Burundi oo ciidamadiisu Soomaaliya u joogaan nabad ilaalin ayaa Midowga Afrika ansixiyeen qorshe qabyo ah oo ciidan nabad-ilaalineed loogu dirayo Burundi kuwaas oo ilaalin doona dadka rayidka ah, in kasta oo aanay dawladda Burundi oggolayn ciidankaas.

Sida ay tibaaxeen ilo-wareedyo ku sugan xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa waxa la ansixiyey tiro ciidan oo gaadhaysa shan kun oo askari in la geeyo, ciidanka ayaa waxa oggolaaday Golaha Ammaanka iyo Nabad-gelyada ee Midowga Afrika.

Qaramada Midoobay ayaa ka walaacsan xaaladda waddanka Burundi. Waxbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 400 qof lagu dilay Burundi tan iyo markii u madaxweyne Pierre Nkurunziza go’aansaday in uu isku soo sharaxo jagadda Madaxweynenimad Burundi mar saddexaad.

Ciidamadda Burundi ee ka tirsan ciidamada Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ayaa wali ku sugan guddaha Soomaaliya, inkasta oo aan hadda la oggayn inta ayu ku sii sugnaan doonaa amaba in ay gebi ahaanba joogi doonaan maadaama ay belaayo ka jirta waddankii ay ka soo jeedeen isla markaana laga yaabo in macquul loo arko in ay waddankooda u gurmadaan intii ay waddan kale nabaddiisa ilaalin lahaayeen iyada oo koodii gubanayo.

bandhige@gmail.com