Waddani oo 80 qoys oo danyar ah Boorama raashin ugu qaybiyey

Sidii ay Ramadaan u soo gashayba xisbiga Waddani wuxu bilaabay barnaamij loogu wan-qalay “La-Afur-Waddani” oo lagu caawinayo qoysaska danyarta.

Xisbigu wuxu Boorama raashin ugu qaybiyey 80 qoys oo dan yar ah isagoo ugu deeqay raashinka la quuto noocyadiisa kala duwan taas oo xisbigu ugu talo galay in dadkani quutaan muddada ay Ramadaanta.

 

Guddoomiye-Xigeenka Waddani Axmed Muumin Seed, Guddoomiyaha Xisbiga ee Awdal Cabdikariim Muuse Maadh iyo Guddoomiyaha xisbiga ee Degmada Boorame Muumin Aadan Kaab ayaa barnaamijkan hoggaaminayey.

Masuuliyiinka gobolka Awdal ee xisbiga Waddani ayaa dhamaantooda soo dhaweeyey barnaamijka sheegay inay mudaba sugayeen.

“Waanu ku faraxsanahay in aanu danyarta gobollada oo dhan caawimo gaadhsiino bisha barakaysan ee Ramadaan, gaar ahaana qoysaskan magaalada Boorama ku dhaqan. Waxaynu ku jirnaa bishii khayrka, sidaas daraadeed xisbi ahaan waxaanu garanay in aanu khayrka ka qayb-galno waananu wadaynaa barnaamijkan inta Ramadaantu socoto” ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.

Guddoomiye Muumin wuxu sheegay in deeqdani ay kooban tahay laakiin muhiimaddu ay tahay in ay dadka la qaybsadaan dareenkooda xaalad kasta oo kolba lagu jiro.

 

 

Bandhige@gmail.com