Waddani oo ka hadlay muranka Kulmiye iyo iscaliaadii wasiiradda

Guddoomiyaha xisbiga Waddani, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Cirro” oo safar shaqo ugu maqan dalka dibeddiisa ayaa ka hadlay khilaafka xisbiga Kulmiye eek a aloosmay shirka golaha dhexe ee hal todobaad ka hadhsan yahay oo lagu dooran doono musharaxa xisbiga kulmiye ee shanta sanno ee socda.

Guddoomiyaha oo arrintaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi:

“Xisbiyada qaranku waa hanti shacabku leeyihiin, dhex-dhexaad baanan jecelahay in aanu arrimaha xisbigaasi ka noqono, khilaafkoodana in ay dhamaystaan baan jecel ahay, arrinta xisbiga Kulmiye ka jirtaana waa cadaalad darro.“

Sidoo kale waxa uu Cirro ka hadlay iscasilaadii xubnihii ka tirsanaa golaha wasiirka, isagoo arrintaasi waxa uu yidhi:

“Wasiirada iska casilay xukuumaddu arrin murugo badan bay ahayd, caadina may ahayn intaasoo wasiir ka baxaan xukuumadda, xalkana uma arkayo hebel hebel ku badal ama magacyo la doon doono, Madaxwaynuhu arrintaas dib ha ugu noqdo xalna hala keeno Kudka meesha galayna ha ka saaro.“

bandhige@gmail.com