“Waddani Waa Wada Baarqab Cali Marreexaanow” Guddoomiyaha Waddani Ee Maraykanka.

Horta Horweynta KULMIYE ee aad sheegtay waa mid gudhan oo aan caano laga liso lahayn oo abaari heshay. Waxaana waraabiya FARAMAAL ugu heesa:

“Hablo kama qabo
Halna Kuma lihi
Habeen uma hoyan
uu I halleeyoo
uu igu habsaday”

Faramaalku waa ninka raaca geel aanu waxba ku lahayn dheefna ku qabin.
Waxa ku weheliya Dabadhow dhoobbi ah oo aan Geeljire ahayn. Geel aan geeljire wadinna Geel noqon maayo.
Geelijiruhu geela uu waraabiyaa, waanu la jiraa maalintii oodhan, carraabin, kallihis, iyo hees hawleed ayuu la daba joogaa. Haddaba Horweynta KULMIYE waa Hurweyn Faramaal wado.

Horweynta KULMIYE waxa Baarqab u ah Buubaal Baarfuran ah oo inta badan hadalkiisa xaal laga bixiyo markuu darjiidho. Eedo badan iyo Adyad bandanna waa laga tirsadaa Baarfurankan layliga ah waa musharraxa KULMIYEE.

Buubaalku waa layliga aan jaro baran, isaga iyo baarfuranku. Mana aha Hayin. Sidaa awgeed Horweynta KULMIYE kuma jiro Hayin iyo Baarqabtoonna.

Horweynta Waddani waxa dhex taaggan Baarqab dhibi lisanaya oo doobtiisu Rawrab tahay labada dhinacna ka tuuraya oo dhibi shaxay isla markaana Gaadiiday oo Hayin ah.

Baarqabku marka uu ugu heerka sareeyo waa marka uu doobta labada dhinac ka ka la rido. Sidaa waxaq ka dhigan Baarqabka Hayinka ah ee Waddani.
Waddanina waa wada Baarqab ee Buubaallo maaha.

Arrinka doodda waan soo dhaweynayaa saddex jeer iyo ka badan. Laakiin waxaad qorshaha ku darsataan Guryaha, Beeraha, iyo wixii hanti ah inuu soo diiwaangaliyo. Annaguna waa naga ballan wixii uu hayo inaannu bannaanka keenno. Halkii dadka aynu hadal uun uga wadi lahayn xisaabtanna aynu ugu darrno iyo halka lag keenay waxa la hayo oo waliba lagu dhaaran karo macal diyaaraddii.

Burco, Qorulugud, Ballidhiig, Ceerigaabo, Caynaba, Gar’adag, Ceelafweyn Laasciidle, Warcibraan iyo Xagal waxaannu u haynaa musharrax isagu la hadlaya oo cod weydiisanaya annaguna aannu marag ka nahay qorshaha uu uhayo ama uu u bandhigayo.

Laakiin Xaasha annaga musharraxayagu maaha musharrax na lagu ballamiyey ama nalagu dardaaraye waa mid aannu doorannay oo annagu rabno.

Guddoomiyaha Waddani Ee Maraykanka
Maxamed Aadan Tarabbi
Bulay571@gmail.com