Waddani waxa uu muujiyey biseyl siyaasadeed

 

Xisbi siyaasadeedka  Waddani  waxa uu dabayaaqadii todobaadkii ina dhaafay gaar ahaan khamiistii iyo jimcihii sameeyey laba dhoola tus oo kala daran kuwaas oo sababi kara in xisbiga ay aadka isku hayaan ee Kulmiye  ku kalifaysa in uu aad uga fiirsado hadeed ama waqtiga yar ee ka hadhay doorshada in uu sameeyo waxyaabo uu ku muujin karo in uu sidaas oo kale u yahay xisbi xalin kara arrimo murugsan.

Tan hore waa xafladii uu Waddani Maansoor  Huteel ugu qabtey koox siyaasiyiin ah oo ka soo kala jeeda Boorama iyo Hargeysa,taas oo ay reer Wadani ku tilmaameen dhul gariir siyaasadeed in ay ahayd sida ay qabaan iyagu, waxaa muuqata in ay soo leexsadey koox wax tar weyn u yeelan karta  xisbigooda kuwaas oo  khibrad balaadhan u leh hanaanka geedi socodka siyaasada Soomaaliland .

Waxaanay culays ku kordhin karaan miisaanka uu xisbigaasi ku yeelanayo labadaas gobol, oo in mudo ahba uu u xusb duubnaa sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa meelaha uu is leeyahay waxay kuu soo kordhin karaan shacbiyad iyo taageero intaba.

Tan labaad oo aan is leeyahay taas horay way ka khatar san tahay oo Waddani waxa ay ka dhigaysaa xisbi lagu kalsoon yahay waa xalinta khilaafkii ka dhashay doorshadii gudoomiyaha golaha wakiilada.

In mudane Baashe ugu tago guriga Ciro kana dalbado xalinta arintaas hortiisan ay ka sheegaan in uu musharaxoodii ku guulaystey waa Tayanle eh isna in uu si taban u qirto in waxa la is daba mariyey waa arin cadeynaysa awooda ay meeshaana ku dhax leeyihiin.

Waxaanse ilaa hada kala cadeyn waxa ay kula heshiiyeen arrinta Gudoomiye-ku-xigeenka oo uu maanta ku soo baxay mudane Axmed Yaasiin, waxaanan aad u filayaa in ay qayb ka tahay heshiiskaas ka dhacay guriga mudane Cirro inkasta oo aan la saadaalin karayn waxa uu yahay arrinkaasi.

Taageerayaasha Kulmiye in ay warbaahinta bulshada ku baahiyaan in uu Baashe daneyste yahay waa mid ka qayb qaadanaysa in ay sii kala durkaan qaybo badan oo xisbiga iyo taageerayaashiisa ah xisbi walban waxa uu ku jiraa waa dadka taabacsan ee ma ah hoggaanka iyo xubnaha xisbigaas ku jira.

Xasan Ciise- Suxufi