Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa uu maanta munaasibad soo dhaweyn ah oo aad u balaadhan uu u sameeyey garabkii xisbiga UCID ee kasii go’ay Jamaal Cali Xusee oo isagu ku biiray Kulmiye.
Munaasibadan soo dhaweynta ah ayaa waxaa ay ka dhacdey Hotel Guuleed ee magaalada Hargeysa waxaana ka soo qeyb galay masuulyiinta xisbigaasi oo uu hogaaminaayo Mushax Cabdiraxmaan Ciro , Hogaamiye Xirsi , Xildhibano, Dhallinyaro , Haween iyo taagerayaasha garabkan
Ugu horeyn waxaa munaasiban ka hadley Masuulyiin ka mid ah garabka Aqlabiyada xisbiga UCID ee maanta ku biiray xisbiga Waddani waxaana ay shaaciyeen in maanta laga bilaabo ay waxii talo ah iyo cudud ah ay ku biirin doonan xisbiga Waddani oo ay ku fasireen mid dalkan gurmad u ah .
Sidoo kale waxaa ay masuulyiintani si adag uga hadleen warar shalay ka soo baxay xisbiga UCID oo sheegayey in aanay masuulyitani ka mid aheyn xisbigaasi waxaana ay hadaladaasi ku sifeeyen qaar ka turjumaya culuska ay leeyihiin oo uu xisbiga UCID fadhiga u diiday.