Waddankii saddexaad oo xidhiidhkii diplomaasiyadeed u jaray Eeraan

Waddanka Suudaan ayaa noqonaya waddankii saddexaad ee xidhiidhka diplomaasiyadeed u jaray waddanka Eeraan.

Suudaan ayaa waxay ku dhowaaqeen in ay xidhiidhkii u jareen waddanka Eeraan, amarna waxay ku bixiyeen in ay 48 saacadood guddaheed ka baxayaan diplomaasiyiinta Eeraan.

Hore waxa xidhiidhka u jaray Eeraan waddamada Sucuudiga iyo Baxrayn kadib markii safaaraddii Sucuudigu ku lahaa Tehraan ay mudaharaadayaal cadhaysani gubeen.

Iyadoo hore aanu xidhiidhka waddamada Sunniga iyo waddanka Eeraan cago adag ku  taagnayn, ayaa waxa hadda sii curiyey dilkii Sheekh Nimr iyo safaaraddii Sucuudiga ee Eeraan oo dibbex-baxayaal gadoodsani gubeen.

Balse wakhtigan ayaa waxa xidhiidhka diplomaasiyadeed ee waddamada Carabta ayaa waxa uu galay jawi cusub.

bandhige@gmail.com