Waftigii Wasiirka arrimaha Gudaha oo siweyn loogu soo Dhaweeyay magaalaa Caynaba

Qore Cabdiwahaab Daahir Xasan

Caynaba (Dawan) Wasiirka wasaaradda arimaha guddaha ahna Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE  iyo wafti ballaadhan oo uu hogaaminayo ayaa gaadhay magaalada Caynaba ee xarunto gobolka Saraar, waftigan uu hoggaaminayo wasiiir Kaahin ayaa waxa magaalada caynaba ku soo dhaweeyay boqolaal ka tirsan taageerayaasha xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.

Wasiirka arrimaha gudaha JSL, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa u mahadnaqay bulshadii soo dhaweysay, kuna bogaadiyay sida ay markasta u garab taagan yihiin xisbiga talada dalka hay iyo xukuumaddiisa.

Sidoo kale wasiirku waxa uu bulshada ku wargeliyay inay doorashooyinka isa-saarku ay dalka ka dhici doonaan dhawaan, waxaanu bulshada ugu baaqay inay nabadgelyada ilaaliyaan, waxaanu ka codsaday inay u codeeyaan Murashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Saajin.

Waxaanu yidhi “Waxan idinka mahadnaqayaa sidaad ugu taagan tihiin difaaca qaranimadiina, karaamada xisbigiina iyo gobolnimda gobolkan waxa hogaaminaya wasiirka Saleebaan Warsame Guuleed, iyo wasiirka Maxamed Xaaji Aadan.”

Geesta kale wasiir Kaahin wasiir Kaahin ayaa eedo ujeediyay murashaxa madaxweyne ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Waxaanu yidhi “Raga aanu tartamayno ee leh dalka ayaanu ka noqonaynaa madaxwayne Cabdiraxmaan Cirro, hadalkiisii oo duuban oo lahayo waxa uu yidhi, Siilaanyo waa khaayin, waa khaayinal wadan, aduunyada dambiyada lagalo kan ugu wayni waa dambiga layidhaa waa khaayin wadan”.

Gaba-gabadii  wasiirka ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Qaranka Mudane Axmed Maxamuud Siilaanyo, uu ahaa mujaahid dalkan iyo dadkan u huray dhiigiisa iyo dheecaankiisa, isla markaana muddo badan u shaqeeyay, waxaanu xusay in aanay habbooneyn in la dhaliilo.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com