Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland ayaa Daamur xaddi badan u kala dirtay Dhismayaasha Waddooyinka waa weyn ee dalka ka socda.

Daamurkan oo maalmihii ugu dambeeyey laga rarayay dekadda Berbera ayay wakaaladdu u qaadaysaa Mashruuca Dhismaha Jidka Ceerigaabo.

War qoraal ah oo ka soo baxay wakaalada Horumarinta Waddooyinka JSL, ayaa lagu sheegay in wakaaladu bilowday kala dirida daamur loogu tala galay dhismaha waddooyinka dalka ka socda oo dhan si loo dhamaystiro dhamaan waddooyinka socda.

Daamburka waddooyinkan lagu dhisayo oo muddo la sugayay ayaa ka soo degay dekadda Berbera, waxaana gaadiidka wakaalada horumarinta waddooyinku u daabuleen goobihii loo qorsheeyay in lagu dhiso.