Wakhtiga ugu habboon in la jimicsado

Dadka badankiisu waxay aaminsan yihiin in Jimicsugu ugu habboon yahay arooryada hore inta u dhaxaysa marka uu qofku hurdada ka kaco iyo marka uu shaqo tagayo.

Haseyeeshee saynisyahanno cilmi-baadhis sameeyey ayaa ogaaday in aanay taasi sax ahayn laakiin ay tahay hawl-fudaydsi.

Saynisyahannadu waxay sheegeen sababata ay dadku subaxa hore u jimicsadaan in ay tahay sabab la xidhiidha jadwal maadaama xilligaasi uu yahay xilli qofka aanay wax hawl ahi u oolin waa xilliga kali ah ee uu joogtayn karo jimicsiga laakiin maaha xilliga ugu habboon ee la ugu habboon jimicsiga ayuu yidhi Dr. Sanjay Gupta oo ka tirsan CNN.

Saynisyahannada cilmi-baadhista sameeyey ayaa tibaaxay in galinka dambe ee maalintii ay tahay wakhtiga ugu wanaagsan ee la jimicsan karo, sababtoo ah wakhtigaas waxa kala baxa muruqyada jidhka si fiicana u aqbala dhaqdhaqaaqa jidhku samaynayo. Sidoo kale wakhtigaas waxa aad hoos ugu dhaca dhaawaca jidhka ka soo gaadhi kara jimicsiga maadaama muruqyada jidhku ay marka horeba ku soo kala baxeen dhaqdhaqaaqiii maalinimada.

Saynisyahhanadu waxay ku taliyeen ciddii wakhti haysataa in jimicsigeeda ay u beddesho galinka dambe ee maalintii ama xilliga fiidka.

Hase ahaatee saynisyahannadu waxay sheegeen jimicsiga subaxnimadu in uu u wanaagsan yahay shaqada iyadoo qofka subaxnimada jimicsadaa uu shaqada bilaabayo wareegga dhiigiisa oo wanaagsan kaas oo suurto galiya in ogsijiintu si wanaagsan u gaadh jidhka taas oo kor u qaadda firfircoonida iyo garaadka labadaba.

Bandhige@gmail.com