Kuuriyada Waqooyi oo u hanjabtay Maraykanka

Waqooyiga Kuuriya ayaa Maraykanka uga digtay in uu ka qayb-qaato dhoola-tus military oo ay Koonfurta Kuuriya samaynayso Isniintan maanta ah, haddii kale ay dalkiisa weerar ku ekayn doonto.

Koonfurta Kuuriya oo ay colaad darani ka dhaxayso Waqooyiga Kuuriya ayaa samaysa dhoolatus milatari oo sannadle ah oo lagu magacaabo “Ulchi Freedom Guardian” kaas oo ay ka qayb-galaan waddamada ay saaxiibka yihiin oo uu Maraykanku ugu tun wayn yahay.

Wakaaladaha Wararka oo Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka la xidhiidhay ayaa loo xaqiijiyey in Maraykanku ka war hayo hanjabaaddan isla markaana in kastoo aanay aaminsanayn in uu kaga dhabayn doono haddana ay wax kasta ka filan karaan maamulkaas, sidaas daraadeedna ay ku khasban yihiin in ay ka diyaargaroobaan.

Janan Mararykanka ah oo hawlgab ah oo magaciisa la yidhaa Mark Hertling ayaa hanjabaaddan Waqooyiga Kuuriya ku tilmaamay mid borobogaandho ah.

“Madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya wuxu ka war hayaa dagaalka Maraykanku kula jiro ISIS iyo Al-qaacida, sidaas daraadeed wuxu borobogaandhadan u samaynayaa si isagana dareen loo siiyo oo dhiniciisa loo eego” ayuu yidhi Jeneraal Mark Hertling.

Dhoolatuskan waxa ka qayb-galaya waddamada Ustareeliya, Kanada, Kolombiya, Dhenmaark, Faransiiska, Niyuusiilaand iyo Ingiriiska.

Madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un ayaa beryahan dambe aad uga xanaaqsan qulubna ka qaaday dunida oo aad u sii go’doomisay. Taas ayaa keenaysa in Maraykanku ka werwero in wax kastaaba ay hoggaamiyahan da’da yar ka suurtogeli karaan taas daraadeedna ay lagama maarmaan tahay in mar walba laga digtoonaado.

Bandhige kala soco wixii hadba ka soo kordha arrintan.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka