War degdeg ah: Maxkamad ku taal Koonfur Afrika oo xayiraad ku soo rogtay Madaxweynaha Suudaan

Maxkamadda sare ee Pretoria, Koonfur Afrika, ayaa goor dhawayd amar xayiraad ah ku soo rogtay Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir oo hadda ku sugan Johannesburg si uu uga qaybgalo shirwaynaha 25naad ee Midowga Afrika.

Xayiraaddan ayaa looga gol leeyahay in aanu Al-Bashiir dibedda uga bixin Koonfur Afrika si Isniinta go’aan looga gaadho in loo dhiibo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada iyo in kale.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada oo magaceeda loo soo gaabiyo “ICC” ayaa 2009kii soo saartay waaran lagu xidhayo Madaxweyne Al-Bashiir, kadib markii ay ku eedaysay dambiyo dagaal, dambiyo ka dhan ah bani’aadamnimada iyo xasuuq ka dhacay gobolka Daarfuur ee Suudaan kuwaas oo uu gebi ahaantoodba deedifeeyey kuna tilmaamay waxba-kama-jiraan.

Maxkamaddani malaha bilays iyada u gaar ah hase yeeshee adeegsata kuwa waddamada ku jira heshiiskeeda iyo bileyska caalamiga ah ee loo yaqaan “Interpol.”

Al-Bashiir sannadihii hore wuxu tegi jiray waddamada aan heshiiska kula jirin maxkamaddan caalamiga ah, marka laga reebo socdaal uu hal mar ku tegay Nayjeeriya oo ka mid ah waddamada saxeexay heshiiska Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada taas oo an xidhin wakhtigaas laakiin kooxaha xuquuqda aadamuhu ay ku qayliyeen kadibna sababtay in uu safarkiisii soo gaabiyo.

Cumar Al-Bashiir oo ku maanta, 14-ka Juun 2015, ku sugan Shirweynaha 25aad ee Midowga Afrika
Cumar Al-Bashiir oo ku maanta, 14-ka Juun 2015, ku sugan Shirweynaha 25aad ee Midowga Afrika

Laakiin Sabtidii ayuu Al-bashiir ka degay Koonfur Afrika oo ka mid ah waddamada saxeexay heshiishkii lagu abuuray Maxkamadda Caalamigaisaga isaga oo hoggaaminaya waftiga dawladda Suudaan ee ka qayb gelaya Shirwaynaha 25-aad ee Midowga Afrika.

Warbaahinta Koonfur Afrika ayaa sheegtay inay madaxda Koonfur Afrika soo dhaweeyeen Al-Bashiir imaantinkiisa.

“Haddii ay Koonfur Afrika xidhi waydo Al-Bashiir, waxay taasi dhaawac u gaysan doontaa sumcaddii caddaaladda Koonfur Afrika” ayuu yidhi Elise Keppler, ku-simaha agaasimaha Ururka Caalamiga ee Cadaaladda ee xafiiskiisu   yahay New York

Dhinaca kale Afhayeenka dawlada Koonfur Afrika ayaa ka gaabsaday in uu arrinkan ka hadlo.

Al-Bashiir ayaa ka baaqday shirkii madaxda Afrika iya Eeshiya oo ka dhacay wadanka Indooniisiya, kaasoo dadka u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda bani-aadamnimada ka dhigeen dibad-baxyo lagu doonayo in la xidho.

Dalabkan ka yimid Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa u muuqda mid fulintiisu adagtay maadaama ay jirto xurguf u dhaxaysa Maxkamadda Caalamiga ah iyo Midowga Afrika, iyadoo hoggaamiyeyaal Afrikaan ahi ay ku doodayaan in maxkamaddani si aan caddaalad ahayn ay u beegsanayso madaxda Afrika.

Midowga Afrika wuxu dalbaday in Maxkamadda Caalamiga ah laga reebo in ay xidhi karto madaxda kursiga ku fadhida laakiin taas waa laga diiday.

bandhige@gmail.com