War degdeg ah: Hoggaamiyihii daalibaan, Mulla Cumar, oo dhimashadiisa la xaqiijiyey

Xukuumada Afgaanistaan ayaa hadda xaqiijisay geerida Mulla Maxamed Cumar oo ahaa hoggaamiyihii Daalibaan laga ku dhawaad 20 sanno.

Mulla Cumar ayaa la sheegay in uu geeriyooday 3 sanno ka hor laakiin ay suurto geli wayday ogaanshaha iyo xaqiijinta geeridiisa.

Kooxda Daalibaan ayaa sheegtay in ay goor dhaw arrinkan war ka soo saarayaan.

Mulla Cumar ayaa guul ka gaadhay dagaalladii sokeeyey ee ka dambeeyey kadib markii Ruushka lagu jabiyey Afgaanistaan dhammaadkii sideetamaadkii, waxana kooxdooda u suurto-gashay in ay qabasadaan waddanka intiisa badan dawladna ka yagleelaan taas oo la baabiiyey 2001-dii, kadib weerarradii 11-kii Sebtember.

Mulla Cumar waxa madaxiisa Maraykanku dul dhigeen 10 Milyan oo Doollar, waxana la raadinayey muddo aad u dheer.

Ilaa intii Maraykanku Afgaanisteen soo galeen sannadkii 2001-dii, Mulla Cumar wuxu soo diri jiray farriimo ka dhan ah Maraykanka. Farriintiisii u dambaysay waxa la daabacay bishan aynu ku jirno badhtankeedii taas oo lagu taageeray wada-hadallada Daalibaan iyo Dawladda Afgaanistaan.

Hase ahaatee farriintani waxay ahayd qoraal, may ahayn cod.

Bandhige@gmail.com