War degdeg ah: Wasiir-xigeenkii Wasaaradda Qorshaynta oo iscasilay

Wasiir-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Cabdikariim Axmed Mooge ayaa shaaciyey in uu iska casilay xilkii uu qaranka u hayey oo ahaa  Wasiir-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta. .

Warka iscasilaadda Wasiir-xigeenka Qorshaynta ayaa waxa uu Bandhige ka soo xigtay qoraal uu wasiir-xigeenku ku baahiyey bartiisa uu ku leeyahay Facebook-ga waxaanu u qornaa sidan:

Waxaan halkan ku cadaynayaa in aan iska casilay xilkii aan ummadda u hayey iscasiladeydana aan u gudbiyay Madaxweynaha, waxaan uga mahad naqayaa Madaxweynaha xilalkii kala duwanaa ee uu ii magacaabey si aan ummadadeyda ugu shaqeeyo.

Waxaan sidoo kale u mahadnaqayaa labadii Wasiir ee aan la soo shaqeeyay intii aan ka tirsanaa xukuumaddan, Dr Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka bada Cali Jaamac bureed oo ah laba nin oo aan ixtiraam u hayo iyo shaqaalihii labada wasaaradood.

Waxaan mahad taas la mid ah u dirayaa qofkasta oo igu tageeray intii aan xilka ummadda u hayay. Waxaan rabaa uun in aan u madax banaanado hawlo ii gaar ah, oo ay ugu weyn tahay Ololaha la dagaalanka qabyaalada iyo u doodida sinaanta shacabka Somaliland.

Wali lama oga in iscasilaadda Cabdikariim Axmed Mooge ay ku ladhan tahay sabab kale oo aanu shaacin.

Cabdikariim Axmed Mooge ka hor intii aanu ku biirin xukuumadda wuxu muddo dheer ka tirsanaan jiray ururrada bulshada ee Somaliland. Muddooyinkii u dambeeyey wuxu maqaalo ka qoray qabyaaladda iyo sida ay muhiimka u tahay wuxuna khudbad taas ku saabsan ka jeediyey Xarunta Dhaqanka Hargeysa wakhtigii uu wasiir-xigeenka ahaa.

Cabdikariim wuxu  mar ahaan jiray guddoomiyaha urur-beeleedka Gaaroodi oo ka shaqeeya arrimaha bulshada ee beesha Cabdikariim ka soo jeedo kaas oo mashaariic hor-u-marineed ka fuliya deegaanada ku abtirsada ururkan.

bandhige@gmail.com