War degdeg ah: Xildhibaan Yuusuf Dirir oo Muqdisho lagu dilay

Alle ha u naxariistee waxa goor dhawayd ku geeriyooday Muqdisho Xildhibaan Yuusuf Dirir Cabdi oo ka tirsanaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kadib dhaawac duhurkii maanta ka soo gaadhay shirqool ay dablay hubaysani la beegsadeen isaga iyo Xildhibaan Cabdalle Boos Axmed oo isagu weerarkaas ka badbaaday. Labadan xildhibaan waxay dhalasho ahaan ka soo jeedaan Somaliland.

Waxa isaguna goobtaas ku geeriyooday  dirawalkii xildhibaan Yuusuf Dirir oo magaciisu yahay Mukhtaar.

Xildhibaannada ayaa la weerary goor ay marayeen dariiqa Maka Al Mukarama oo ku yaal meelaha aadka loo ilaaliyo ee magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegeen goobjoogeyaal ku sugnaa barta weerarku ka dhacay, weerarka waxa loo adeegsaday gaadhi ambalaas ah kaas oo lagu hor jaray gaadhigii xildhibaanadu wateen kadibna rasaas oodda lagaga qaaday.

Al-Shabaab ayaa sannadihii u dambeeyey si gaar ah u ugaadhsanaysay xildhibaannada ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Yuusuf Dirir wuxu noqonayaa xildhibaankii 2aad ee ka soo jeeda Somaliland ee shirqool lagu dilay magaalada Muqdisho dhexdeeda iyadoo 9kii February ee sannadkan Muqdisho lagu dilay Xildhibaan Cabdillahi Qayaad oo ka soo jeeday Gobolka Salal kana tiransanaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, dilkaas oo ay Al-Shabaab sheegatay.

Bahda Bandhige waxay tacsi u dirayaan qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay Xildhibaan Yuusuf Dirir Cabdi, waxayna Ilaahay uga baryayaan in uu naxariistiisa ugu deeqo.

Bandhige@gmail.com