War-murtiyeed: Kal-fadhiga 31aad ee Golaha Sare ee Dalladda SONYO

War-saxaafadeed cawaysinkii caawa la baahiyey oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Golaha Sare ee SONYO Siyaad Cumar Cali oo nuqul ka mid ahi Bandhige soo gaadhay ayaa lagu sheegay in shirkii 31aad ee Golaha Sare ee SONYO uu ku qabsoomay Boorama.

War-murtiyeedka oo dhammaystirani wuxu u dhignaa sidan:

Kal-fadhiga 31aad Golaha Sare ee Dallada SONYO Golaha Sare ee Dallada SONYO waxa uu maanta oo taariikhdu tahay 10kii  October, 2015 Kal-fadhigiisii 31aad ee caadiga ahaa kusoo  gebo-gebeeyay Magaalo-madaxda Gobolka Awdal ee Borama.

Goluhu isagoo ku faraxsan sida quruxda iyo qaayaha badan ee Kulankiisii ugu  soo gebo-geboobay waxa uu guddoonsaday qoddobo badan, kuwaasoo  dhammaantood ku aroora horumarinta Dhallinyaradda JSL; iskaashiga iyo  midnimada dhammaan daneeyeyaasha ku hawlan ama ka shaqeeya arrimaha  dhallinyaradda; iyo sidoo kale, kor-u-qaadista tayada iyo waxqabadka  xubnaha bahweynta Dallada SONYO.

Ka dib falanqayn; faaqidaad iyo gorfeyn dhinac kasta ah, waxa uu Kal-fadhiga  31aad ee Goluhu isla qaatay qoddobadan soo socda:

  1. Goluhu wuxuu hambalyo iyo bogaadin balaadhan u dirayaa Dhammaan  hay’adihii ka qaybqaatay Tartanka Cayaaraha Gobolada JSL; waxa kale oo  uu bogaadinayaa doorka shariifka ah ee Wasaaradda Dhallinyaradda,  Ciyaaraha iyo Dalxiiska, xukuumada, Shirkadaha Ganacsiga iyo Maamulada  Heer Gobol iyo Degmo ee Gobolada JSL. Waxa kale oo uu Goluhu  amaanayaa kaalinta ay hawshaas qaran ka qaateen magaalooyinka Borama niyo Burco oo iyagu marti-galiyey Ciyaaraha Tartanka.
  1. Goluhu waxa uu ugu baaqayaa isla markaana kula dardaarmayaa  dhammaan kooxaha tartanka Cayaaraha gobolada ka qaybqaadanaya inay  dhawraan isla markaana ilaaliyaan amniga, kala-dambeyna, xasiloonida iyo  hab-sami-u-socodka tartanka si loo gaadho himilada guud ee tartanka oo ah  jihaynta iyo hawl-galinta xooga cuddoon ee da’yarta iyo kor-u-qaadista is- dhex-galka iyo wax-wada-qabsiga dhallinyaradda JSL oo iyagu ah inta ugu badan dadweynaha JSL.
  1. Golaha Sare ee Dallada SONYO, isagoo tixgalinaya isla markaana muhiimad  balaadhan siinaya midnimada, wada-jirka iyo horu-socodka guud ahaan  bahweynta Dallada SONYO, waxa uu ku baaqayaa in laga wada-shaqeeyo  loona midoobo sidii loo hirgalin lahaa heshiiskii lagu xaliyay khilaafaadkii  dhowaan dallada soo galay, isla markaana loo suurto-galin lahaa jawi  xasiloon oo ku haboon koboca iyo koriinka Dallada SONYO.
  1. Goluhu waxa uu ugu baaqayaa Xukuumada JSL iyo daneeyeyaasha kale ee Arrimaha Dhallinyaradda sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha muuqda ee  dhallinyaradda Somaliland haysta iyo duruufaha ay la nool yihiin, gaar  ahaan kuwa gobolada barri. Goluhu wuxuu ku talinayaa in Miisaaniyada  Qaranku tixgalin balaadhan siiso wax-ka-qabashada baahiyaha  dhallinyaradda.
  1. Goluhu waxa uu ku baaqayaa in gacmaha la isu-qabsado loona midoobo  sidii uu u hirgali lahaa hanaan doorasho oo haboon isla markaana loo fulin  lahaa dhammaan qorsheyaasha badhi-taageeraya geedi-socod  dimoqraadiyadeed oo wax-ku-ool oo laga dheehan karo dhammaan danaha  bulsho-weynta JSL sida dhallinyaradda, haweenka iyo bulshada u baahan in  la awoodeeyo.
  1. Goluhu waxa uu ugu baaqayaa dhammaan maal-geliyeyaasha iyo qaadhaan- bixiyeyaasha arrimaha horumarinta JSL daneeya inay kordhiyaan korna u  qaadaan taageerada ay siiyaan JSL isla markaana ay diirada saaraan sidii  Somaliland looga dhisi lahaa dhinacyada shaqo-abuurka, isku-filnaanshaha,  kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta ururada bulshada rayidka ah.

Mr. Siyad Cumar Cali

Guddoomiyaha Dallada SONYO

Kal-fadhiga 31aad ee Golaha Sare ee SONYO

 Borama, Awdal