WAR-SAAFADEED

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa kulan la qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada-midoobay Marwo Cartriona laing, oo booqasho joogta dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL ayaa warbixin ka siiyey Wakiilka cusub amniga guud dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kaasoo ku taagan tiirar adag, sida Iskaashiga shacabka iyo Xukuumadda oo markasta meel uga soo wada jeeda ilaalinta nabadgelyada, sidoo kale wasiirka ayaa warbixin ka siiyey Ergeyga Qaramada-midoobay Dumuqraadiyada iyo Horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay.
Dhinaca kalena Wasiirka Wasaaradda Arimaha Guddaha iyo Ambassador Cartiona Lating, waxay ka wada hadleen mashaariicda ay ka wada shaqeeyaan Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Hay’ddaha Qaramada-midoobay, sida mashruuca sareynta sharciga (Rule of Law), kaas oo ay hoggaamiso wasaaradda arimaha guddaha JSL, waxaana la isla qaatay xoojinta wada shaqaynta labada dhinac. Iyadoo Marwo Cartriona laing uga mahadnaqday Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin kulanka muhiimka ah ay wada qaateen.