War-saxaafadeed: Qaraarka Maxkamadda Rafcaanka iyo xadhiga Wariye Naasir Meecaad

War-saxaafadeed: Qaraarka Maxkamadda Rafcaanka iyo xadhiga Wariye Naasir Meecaad

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee #SOLJA, waxa uu fal sharci darro ah u arkaa xadhiga wariye Naasir Guray Meecaad oo ka tirsan Telefishanka Universal oo shalay lagu xidhay magaaladda Gabilay.

Wariye Naasir waxa isla maanta maxkamadda Gobol/Degmo Gabilay u jartay Rumaan inta ay Xeer ilaalintu ka keenayso Eeda loo haysto.

Ururka SOLJA, waxa uu aad uga xun yahay inaan illaa hada la ogayn sababta loo xidhay Suxufigaasi, iyadoo Wakiilka SOLJA ee gobolkaasi loo diiday in la Ogaysiiyo Eeda uu u xidhan yahay.

Dhinaca kale; Ururka SOLJA, waxa uu maanta mar kale soo dhawaynayaa go’aanka ay Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex ku Diiday Asbaabtii Rafcaanka ee ay Xeer ilaalintu ku doonaysay in loogu xayiro Telefishanka Horn Cable Tv.

Ururka SOLJA waxa uu u arkaa Rafcaan ka qaadashada Xukuumadda ee Qaraarkii shalay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex  ku Diiday Codsiga Xukuumadda ee Xayiraada Telefishanka Horn Cable Tv talaabo ay xukuumaddu ku doonayso inay ku cabudhiso Hay’addaasi, maadaama ay ku doonayso Telefishanka oo Xayiran mooyee inaanay Dacwadda galin.

Ururka SOLJA, waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa inay joojiso Xadhiga Suxufiyiinta ka hor dhagaysiga Eedaha ay u haystaan Suxufiyiinta iyo Hay’addaha warbaahinta sida ku cad Qaraarka ka soo baxay Maxkamaddaha.

SOLJA, waxay soo dhawaynaysaa kunna baaqaysaa Xukuumaddu inay sharciga dhawrto, kanna dhabayso Heshiiskii ay Saxaafadda iyo Xukuumaddu wada gaadheen.

 

Maxamuud Cabdi Jaamac

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA)