War-saxaafadeed: Soo-noqoshadii Wasiirka Arrimaha Dibedda  & Iskaashiga Caalamiga ah

War-saxaafadeed gelinkii dambe ee xalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland oo nuqul ka mid ahi Bandhige soo gaadhay ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland markii uu dalka ku soo laabtay si diiran loogu soo dhaweeyey isaga oo wasiirkuna Golaha Dhexe ee Kulmiye ka codsaday in ay doorashadooda ku saleeyaan aqoon, waayo-aragnimo, karti, xajiin la’aan iyo taariikh qaali ah oo qofku leeyahay. Wasiir Biixi waxa kale oo uu sheegay in aanu qurbo-joog kaliya ahayn laakiin uu dalka yaqaan macalina ka soo ahaan jiray Bulaxaar, Balli-gubadle, Berbera iyo Salaxley.

War-saxaafadeedkaas oo dhammaysitrani waxa uu u dhigan yahay sidan:

Wasiirka Arrimah Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah  JSL, Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo ka soo noqday socdaalkii uu ku weheliyay Weftigii Heerka Qaran ee Madaxweyaha JSL hoggaamiyay ee booqashada martiqaadka leh ku tegay dalka Ireland ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa. Waxa ka qaybgalay soo dhawayntii Wasiirki dadweyne tiro badan, wasiiro, xildhibaanno, salaadiin iyo madaxdhaqameed, golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye iyo martisharaf kale.

Wasiirka oo kula hadlay qolka nashada  Madaarka Cigaal warbaahinta ayaa sheegay in safarkii Ireland ee weftiga Madaxweynuhu uu ahaa safar taariikhi ah oo guul leh kaasoo lagu  unkay xidhiidh muhiim ah iyo iskaashi faaiido u leh Somaliland oo dalka Ireland wax kala qabto Somaliland dhinacyada horumarka, siyaasadda iyo ictiraafka.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis waxa uu sidoo kale ka hadlay oo uu celiyay inuu bulshada Somaliland ku wargeliyo hankiisa siyaasadeed ee Musharaxa Jagada Madaxweyne Xisbiga Kulmiye waxanu xusay inuu aqoon iyo waaya aragnimo xeeldheer u leeyahay inuu dalka horumar gaadhsiiyo haddii uu noqdo madaxweynaha dalka.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay inuu aqoon badan u leeyahay dalka iyo dadka Somaliland oo uu macalin ka soo noqday degmooyin iyo gobollo kala duwan.

“Waxan ahay musharax ka dhex tartamaya Xisbiga Kulmiye,  Ilaahayna   ka baryaya inaan ku guulaysto. Waxan is leeyahay wadanka waxad ku soo kordhinaysaa aqoon, cilmi, aragti  iyo waaya aragnimo ballaadhan anigoo aqoon weyn u leh wadankan  iyo caalamkaba oo is leh halkaa maanta dawladda Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) gaadhsiisay ayaad ka sii dhaqaajin kartaa oo dalkanaad  wax u qaban kartaa, aqoonteedaad leedahay, khibrad  culusbaad leedahay, dalkaad taqaannaa  oo  dee macalin baan ka ahaa dad badan baa  malaha u haysta inaan qurbajoog uun ahay Bulaxaar baan ka ahaa macalin, Salaxley baan ka ahaa, Balligubadlaan ka ahaa, Sheikh baan ka ahaa Barbaraan ka ahaa, Burcaan ka ahaa, wadanka aad baan u aqaannaa.   Waxan is leeyahay wadanka waad dhaqaajin kartaa heer cusub oo aqoon iyo cilmi iyo qalin ku dhisan ayaad gaadhsiin kartaa,” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL wuxu u rajeeyay   Golaha Dhexe ee Xisbiga  Kulmiye inay  doorashada musharaxa ku qiimayn doonaan heerka aqooneed iyo waaya aragnimada musharaxa. “Waxan filayaa Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye  uu ku doorto qofka ay dooranayaan aqoon, waaya aragnimo, karti, xajiin la’aan iyo taariikh qaali ah oo qofku leeyahay,” ayuu yidhi Wasiirku.

Waxa ka qaybgalay soo dhawayntii Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Maxamed Biixi Yoonis, dadweyne aad u tiro badan, kana mid ahaayeen madax dhaqameed, wasiiro, xildhibaanno, xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye iyo taageeraayaasha Xisbiga.  Masuuliyiintii, salaadiintii iyo dhammaan dadkii ka hadlay soo dhawayntii Wasiirka ayaa soo dhaweeyay musharaxnimadiisa, kuna sifeeyay  Wasiirka musharaxa ugu habboon inuu noqdo madaxweynaha mustaqablka Somaliland.

 

 

Source: Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL

12th Oct, 2015, Hargeisa, Somaliland.