War-saxaafadeed: Wajigii saddexaad ee barnaamijka dowladda hoose ee Somaliland oo daaha looga rogi doono kulan heer sare ah oo ka dhacaya Hargeysa

 

Madax-weyne ku-xigeenka Dowladda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil, ayaa maalinta Isniinta ah ee ku beegan 2-da July martigelin doona kulan heer sare ah oo dib-u-eegis loogu sameynayo oo daahana looga rogayo wajiga saddexaad ee Barnaamijka Qaramada Midoobey (QM) ee Wadajirka ah ee Dowladaha Hoose ee Somaliland (UNJPLG). Barnaanijka wadajirka ah, oo ay hoggaamineyso Dowladda oo kaashaneysa hay’adaha QM, ayaa ka shaqeynaya sidii loo sii wanaajin lahaa nolosha dadka reer Somaliland iyo dhiirrigelinta nabadda iyada oo loo marayo dowlad hoose oo lala xisaabtamo oo taabogalna ah. Barnaamijka wadajirka ah waxaa la bilaabey sanaddii 2008 waxaana uu nidaamyo dowlad hoose iyo adeegyo taabogal ah ku bixiyey guud ahaan Somaliland, iyada oo la dhisey lana kobciyey dugsiyo, xarumo caafimaad, waddooyin iyo suuqyo iyada oo loo marayo dejinta qorshayaal ay qayb ka yihiin bulshooyinka maxalliga ah.

Wajiga saddexaad ayaa Dowladdu ku baahin doontaa nidaamyo lagu guuleystey oo wajiyadii koowaad iyo labaad ee barnaamijka loo sameeyey dowladaha hoose ee guud ahaan Somaliland. Waxaa si gaar ah diiradda loo saari doonaa kor-u-qaadista adeegyada magaalooyinka, iyada oo la soo saari doono shuruuc, la hubin doono u-dhammaanshaha ragga iyo haweenka, iyo iyada oo la sameynayo nidaamyo cashuur-ururin iyo maaliyadeed oo ka wanaagsan kuwii jirey oo ay yeeshaan dowladaha hoose.

Barnaamijka Wadajirka ah ee Qaramada Midoobey ee Dowladaha hoose (UNJPLG) waxaa wada fulinaya shan hay’adood oo kuwa QM ah – the United Nations Capital Development Fund (UNCDF), Barnaamijka Qaramada Midoobey ee Horumarinta/the United Nations Development Programme (UNDP), UN-Habitat, UNICEF iyo the International Labour Organisation (ILO). Barnaamijka waxaa uu taageero maaliyadeed ka helaa Denmark, Midowga Yurub, Norway, Switzerland, Sweden, USAID, Dalka Ingiriiska (the United Kingdom) dowladda dhexe iyo dowladaha hoose ee Somaliland.

Maxay: Daah-rogga Wajiga Saddexaad ee Barnamaijka Wadajirka ah ee Qaramada Midoobey ee Dowladaha Hoose (UNJPLG)

Goorma: Isniinta 2da July 2018, 10am (barqanimo) – 1pm (duhurnimo). Khudbadaha furitaanka10am (10-ka barqanimo) -11am (11-ka barqanimo)

Meelba:  Ambassador Hotel, Hargeisa

Kuma:   Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil, Madaxne-ku-xigeenka Somaliland

Mudane  Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland

Mr. Jesper Moller, Ku-xigeenka Wakiilka UNICEF 

Cidda ay warbaahintu la soo xidhiidhi karto: 

Paul Simkin, Programme Manager, United Nations Joint Programme on Local Governance. Email: paul.simkin.jplg@one.un.org

Leila Abrar, Chief of Communications, OIC, UNICEF.  Email: labrar@unicef.org

Keelin FitzGerald, Communications Specialist, United Nations Development Programme. Email: keelin.fitzgerald@undp.org

Mariam Farah, Communications Associate, United Nations Development Programme, Hargeisa Area Office. Mobile: +252 634050007. Email:mariam.farah@undp.org.

bandhige@gmail.com